Sawirro: Ciidanka Gorgor oo dilay xubno Al-Shabaab ah

Bulsha:- Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada Gorgor ay ka sameeyeen duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ay ku beegsadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Gorgor ayaa lagu soo warramayaa inay gudaha u galee deegaanada Shaamgare, Mubarak iyo Jowhar yarey, waxaase iska caabin ay kala kulmeen kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha guutada Gorgor Coll Dayax Cabdi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanadaas isla-markaana ay joob xoogan gaarsiiyeen.

Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in howl-galka ka dhacay deegaanka Shaamgare ay ku duleen illaa 5 xubnood, kuna dhaawaceen 7 kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaqyada ay haatan ka wadaan agagaarka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliso halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay wadaan abaabul xoogan iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.

Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Xoogga dalka ayaa sare u qaaday howl-gallada lagula dirirayo Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment