NISA iyo Deni oo dagaalo toos ah ku dhaxmarayo Boosaaso, iyo Taliyihii PSF oo NISA ku biiray.

Bulsha:- Dagaal galay maalinti labaad ayaa ka socda Boosaaso, wararka dhimashada, dhaawaca iyo barakaca waxaa barbar socda xogaha hoose ee ku saabsan sababta iyo dhinacyada dagaalka laga helayo.

Ilo wareedyo dhanka amniga ah oo ku sugan Muqdisho iyo Garowe ayaa laga soo xigtay in dagaalka ay toos ugu lug yeesheen saraakiil sare oo NISA ka tirsan,kuwaasi oo dagaal toos ah la galay madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Xogta ayaa lagu sheegay in si qarsoodi ah magaaladaasi Boosaaso maalmo kahor loo geeyay hub iyo askar dheeri ah si ay uga barbar dagaalaan Taliska xil wareejinta diiday ee PSF, waxaana shalay dagaalka ilaa maanta oo Arbaco ahayd dagaalka loo adeegsaday qeyb kamid ah hubkaasi.

Madaxa mukhaabaraadka sirdoonka Soomaaliya ahna taliyaha dabagalka NISA Korneel Cabdullahi Dheere ayaa la tilmaamay inuu yahay sarkaalka sida tooska ah uga shaqeeyay in xaaladda Boosaaso soo gaarto heerka maanta ee dhimashada iyo dhaawaca badan leh.

Sarkaalkan oo Farmaajo ku dhaw ayaa horay loogu eedeeyay dagaalkii Gedo, Shirqoolo kale oo dhanka amniga ah iyo inuu awood u adeegsado xaaladaha siyaasadeed, waliba si qarsoodi ah isaga oo aan marna la arkin sida saraakiisha kale.

Madax ka tirsan Puntland ayaa dareensan saameynta Korneel Cabdullahi Dheere, balse macluumaadka la helay ayaa sheegaya in dekadda Boosaaso si hoose oo lacag lagu bixiyay uu uga gudbiyay hub laga qaaday Muqdisho.

Dagaalka Boosaaso ee laga digayay muddo bil ah ayaa dhacay shalay iyo maanta, Ciidamada Puntland ee labada garan u jabay ayaa qaar kamid ah askarta cadeeyeen in ay toos garab uga heleen Muqdisho, gaar ahaan sarkaalkan ka tirsan xubnaha sare ee NISA.

Doorashada Soomaaliya ee socta mudada ka badan sanad ayay tani u noqoneysaa caqabad kale, horay deegaanada doorashada ee adag waxay ahaayeen Gedo iyo Hiiraan, gobolka Bari, magaalada Boosaaso ayaa hadda liiska soo galay.

Dadka sida dhaw ula socda dhaqdhaaqyada doorashada ee kooxda Farmaajo ayaa sheegaya in Korneel Cabdullahi Dheere uu doonayo laba midood, waa tan koowaade inuu toos awood ugu sheegto oo uu maamulo doorashooyinka lagu qabanayo Garbahaareey, Baladweyne iyo Boosaaso, ama tan labaad oo ah haduu sidaas waayo inuu fashiliyo guud ahaan doorashada.


Madaxweynaha Puntland iyo mas’uuliyiintiisa maamulka ayaa laga sugayaa tilaabada ay qaadaan, iyadoo todobaadyo ay magaalada Boosaaso go’doon, dagaal iyo xaalad hubanti la’aan ah ugu jirto taliyihii PSF ee diiday xilka laga qaaday isagoona taageero dhanka NISA ah helaya.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment