Ciidanka PSF oo war kulul kasoo saaray dagaalka kala dhaxeeya maamulka Deni

Bulsha:- Saraakiisha Ciidamada Hay’adda PSF ayaa markii u horeysay si adag uga hadlay dagaalkii shalay iyo maanta magaalada Boosaaso ku dhex-maray ciidamadooda iyo kuwa Puntland.

Qoraal kasoo baxay saraakiisha PSF ayaa ugu horeyntii lagu sheegay in ciidamadooda iska difaaceen labadii maalmood ee u dambeeyay weeraro gardaro ah oo lagu jabiyay xeerarkii sharciga ahaa oo dhan.

Sidoo kale waxaa ay ku eedeeyen maamulka madaxweyne Deni in uu diiday gartii ay u dhiibteen Isimada Puntland, islamarkaana ay Boosaaso ka bilaabeen barakicin bulsho iyo weeraro gardaro ah, ayna dhankooda kasoo horjeedan colaada iyo dhibaatada shacabka.

“Dhinacayagu marna ma hurinayn colaadda iyo dhibaataynta shacabkeeda. Waxaan aad uga xunnahay dhibta bulshadeenna soo gaartay, runtii raali kama nihin wixii sameeyayna way qaadanayaan mas’uuliyadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Ciidanka PSF waxay u taagan yihiin la dagaalanka argagixisada, amni daradda iyo cid kastoo ku lug leh.”

Ugu dambeyntiina waxay sheegen inaysan marnaba aqbali karin inay eedeyan PSF dad ay sheegen inay argagaixisadda ka tirsanaayeen oo ku gabanaya xasaanadda dowladda, sida ay sheegen.

Dagaal xoogan oo ay ka dasheen khasaare baaxad leh ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay ciidamada PSF iyo kuwa Puntland ku dhexmaray magaalada Boosaaso, kadib muddo ay taagneyd xiisad xil ka qaadista agaasimaha hay’adda PSF.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment