Bulsha:- Milatariga Dalka kenya ayaa rasaas ku furay Geel Badan oo ku sugnaa tuulada Booko oo ku taalla degaanka Tana River ee dalka Kenya waxaana ku dhintay in ka badan 100 neef oo geel ah sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Gobalkaasi laga soo doortay.
Mas’uuliyiinta Dowladda Kenya ayaa cadeeyay in ciidamo ka tirasn Booliska Dalkaasi kenya ayaa toogasho ku dileyn ilaa 105 Neef oo geel ah waxaana sidoo kale rasaastii lagu furay ku dhaawacmay tiro kale oo aan la shaacin Numbarkooda.
Cali Waariyow oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya oo laga soo doorto degaanka Tana River ee Geella lagu laayey waxa uu xusay inuu indhihiisa ku soo arkay geella la laayey.
“Waa arrin laga xumaado in geel ka badan 105 neef xabad lala dhaco weliba si bareer ah, wax la qaadan karo oo caqliga geli kara maaha dowladana waa iney jawaab ka bixisaa” ayuu yiri xildhibaanka.
Lama oga sababta ka danbeysa weerarkaan ay ciidamada kenya ku laayeen Geelkaasi tirada badan waxaana isa soo taraayo walaac iyo qeyla dhaanta ka soo baxeysa Mas’uuliyiinta Gobalka.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment