Bulsha:- Ciidamada Ethiopia qeybtooda ka mid ka ah Howlgalka AMISOM ayaa Gudaha Dalka Soomaaliya waxaa ay ku qabteen Munaasadab iyo Dabaal deg weyn oo ay ku sameyeen Fantasiyo Dalkooda loogu talagalay.
Xafladan oo ay ugu dabaal degayeen Xuska Maalinta Ginbot ayaa waxaa ay ka dhacday Magaalaa Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Ethiopia ee Howlgalka Midowga Afrika ku jira.
Xuskan ayaa sanad kasta maanta oo kale lagu qabtaa gudaha dalka Itoobiya waxayna ku beegan tahay sanadguurada 26-aad markii xukunka Dalka Ethiopia ay la wareegtay Jabhadda EPRDF bishii May sanadkii 1991-dii.
Waxaana sidoo kale ay ku beegan tahay Markii Xukunka dalka Ethiopia laga tuuray Madaxweynihii hore Ee Dalkaas Mingistu Haile-Mariam waxaana Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha Dalka ayaa waxaa ay sameeyaan waxyaabo ka baxsan howlaha ay u joogaan Dalka.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti iyo kuwo kale oo ka socda dalalka Ciidamadu ka joogaan Somalia ayaa ka qeyb galay xafladaas oo saraakiisha Ethiopia ka jeediyeen taariikhdii Jabhadii EPRDF iyo horumarka ay gaarsiisay Wadanka Ethiopia.



Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment