Bulsha:- Gabadha saaxiibka la ah weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa si aan caadi aheyn ugu jawaabtay hooyada dhashay xidigaan taasoo beenisay iney uur leedahay.
Georgina Rodriguez oo 22-jir ah ayaa soo galisay sawir ay ku sugan tahay mid ka mid ah isbitaalada Madrid iyadoo sii hurisay wararka xanta ah ee sheegayay iney uur u leedahay kabtanka Portugal.
Dhawaan ayey aheyd markii Cristiano Ronaldo uu malaayiinta ku xiran bartaiisa Instagram la wadaagay sawir ay gacantiisa saaran tahay caloosha Georgina Rodriguez taasoo loo fasirtay iney uur leedahay.
Georgina waxaa sawirka kala soo muuqday Dr. Rafik Dehni oo ka mid ah dhaqaatirita ugu caansan ee dadka ku sameeya qaliinka balaastiga ah – waana mid ka mid ah xirfadlayaasha ugu caansan caasimadda.
Dolores Santos oo ah hooyada dhashay ayaa horay u beenisay wararka sheegaya in wiilkeeda uur loo leeyahay iyadoo oraneysa: “Waa wax aan macno laheyn, kaliya gacantiisa ayaa caloosheeda saarnaa, Cristiano mar kale aabe ma noqonayo”
“Waxaan rajeynayaa inuu heysto caruur badan, wuxuu doonayaa inuu mar kale aabe noqdo, Ronaldo hadda wuxuu heystaa lacag, kor ayuu u qaadi karaa caruurtiisa sidoo kale”

Si kastaba Georgina Rodriguez sawirkaan waxey jawaab dadban uga dhigtay hooyada xidiga ay saaxiibka la tahay madaama aysan ku qanacsaneen xanta jirta.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment