Tobankaan Faa’ido ayaa La Xaqiijiyay In Laga Dhaxlo Ama Laga Hello Guurka Xalaasha Ah..

Bulsha:- In badan oo kamida dadkeena ayaan aaminsanayn faa’iidooyinka guurka ama guurka laftarkiisaba iyaga oo adeegsanaya aragtiyahooda gaaban. Laakiin marka aad u badheedho inaad faa’idooyinka guurka wax ka barato waxa markaba badalmaysa aragtidii xumayd ee aad ka haysatay guurka. Waxa aan halkan ku soo bandhigi n doonaa 10 faaiido oo guurka laga dhaxlo.

10. Faa’iidooyin Maaliyadeed.

Marka qof walbaaba xaas yeesho waxa uu ku fikiraa sidii uu u tabci lahaa una soo xerayn lahaa kharashka gurigiisa, isaga oo Alle (SWT) ku garab gala ujeedadiisaas waxana markaba uu dhimaa kharashka ku baxaya bilaabaana in uu lacag xafido oo meel ku urursado isaga oo ka tabaabushaysanaya dhibaatooyinka dabiiciga ah ee dhici kara mustaqbalka. Halka qofka aan guursan ay caadi la tahay inaanu shaqaysan oo uu guriga waalidkii isaga noolaado ama guri loo soo tabco oo saaxiibkii leeyahay.

9.Nolol Wadaag

In Qofku doob ahaado ma aha nolol dhamaystiran, Waxa muhiim ah in qofku helo qof daryeela kana fikira, waxa hubaal ah in aanu jirin qof haba yaraatee aan haysan cid ka fikirta laakiin qofka xaaska ah ayaa waxa uu haystaa qof la qaybsanaya xaaladaha murugo iyo farxada labadaba, Iyada oo culimada ku xeel dheer cilmi nafsigu sheegaan in qofka doobka ku waynaadaa uu ka waali dhow yahay qofka isagu qoys iyo xaasleh.

8.Aqbalaada Diinta Iyo Bulshada.

Hadii aad rabto in adiga iyo qofka jacaylku idinka dhexeeyo bulshadu idin wada qaabisho waa inaad is guursataan adiga oo ku heli doona magac iyo sumcad iyo iyada oo laguula dhaqmo sidii qof ixtiraam badan. Halka diintuna aanay kula simayn qofka aan isagu lahayn qof nolosha la qaybsada.

7.Ka Hortaga Cudurada Galmada Lagu Kala Qaado

Guurku waa habka kaliya ee lagaga hortagi karo in qofku ku dhaco sino iyo cudur. HIV AIDS waa cudurka ugu xun ee ku dhaca qof bani aadam ah isaga oo ilaa hada aan lahayn wax dawo ah oo lagu daweeyo cudurkan kaas oo laga qaado galmada aan xalaasha ahayn waxaanu sababaa takoor iyo faquuq lagala kulmo bulshada.

6. Caafimaad

Waa dhab in qofka xaaska lihi ka caafimaad badan yahay qofka isagu aan wali guursan ama doobka ah. Maskaxda ayaa ah meesha ugu muhiimsan jidhka bani aadamka waana meesha go’aamisa wax walba oo jidhku dareemo, Qofka aan guursan ayaa waxa la sheegaa in inta badan uu la kulmo xanuuno dhinaca maskaxda ah oo aanu inta badan dareemin ama haleelinba qofka xaaska leh.

5. Taran Iyo Caruur

Dad badan oo waxa jira hantiilayaal ah isla markaana mar walba ku cawda in hadii ay helaan taran ay gebi ahaaanba lacagta iyo hantida ay haystaan bixin lahaayeen. Ubadka ayaa ah ubaxa nolosha waana waxa keliya ee waalid walba oo dunida guudkeeda ku nooli ku hamiyo indhuhuna ku doogsadaan, waa midhaha aad beeranayso ee marka aad da’ noqoto ee tamartaadu isgabto cuni doontid.
4.Qurux

Waxa inta badan lagu yaqaanaa ninka doobka ah in uu ka xarago yar yahay ninka isagu leh xaaska oo isaga mar walba la arko inuu xidhan yahay dhar laga soo shaqeeyey mar walbana laga fikirayo xaragadiisa inta uu dheer yahay ninka doobka ahina ay tahay halka ninka doobka ah uu isagu go’aansado quruxdiisa ka waran qofka isaguna sidaa silamida go’aansada quruxdiisa isla markaana ay saa’id ku tahay maskax kale waynu garan karnaa 2 inaanay 1 lamid ahayn.
3.Go’aan

Marka aad guursanayso waxa aad jacaylkaaga u cadaynaysaa in aad la wadaagi doontid nolosha qaadaysidna masuuliyada qofkaas inta ay nolosha ku wada dhaqan yihiin. Guurka ayaa ah go’aanka ugu sareeya ee aad qaadanayso noloshaada.

2.Farxad Badan

Guurka ayaa sida iska cad waxa laga helaa farxad joogto ah, iyada oo aynu wada ognahay in qof walba oo dareema diiqad uu ku cararo gurigiisa iyada oo sababtu tahay waxa uu garanayaa sirta farxadiisa una tagayaa xaaskiisa si uu noloshiisa ugu soo dabaalo farxad.

1.Jacayl Dhab Ah.

Ma jiro cadayn ka wayn jacaylka dhabta ah oo aan guurka ahayn.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment