Bulsha:- Waxaa soo baxay muuqaal muujinaya nin si xoog ah looga soo dejinayo diyaarad ay leedahay shirkadda United airline . Waxaana ka dhashay caro ballaaran muuqaalkani oo si weyn ugu baahay baraha bulshada.
Waxaa laga duubay gudaha diyaarada wuxuuna muujinayaa ninkan oo kursigiisa laga soo jiiday iyadoo markaasi ay rakaabka diyaarada isu diyaarinayeen inay duullaan.
Diyaarada ayaa ka kacaysay magaalada Chicago waxayna ku socotay Louisville ee dalka Mareykanka habeenimadii Axadda ahayd.
Muuqaalkan oo socnaya 50 il-biriqsi ayaa waxaa barta twitter-ka lagu sii wadaagay 16,000 oo jeer laga soo bilaabo maalinkii la baahiyay.
Jayse D Anspach oo daabacay muuqaalkan ayaa yiri ‘ Shirikada United Airline ayaa rakaab dheeri ah tikidho u gooysay, ka dibna waxay damceen inay dajiyaan afar qof oo ay rabeen inay ku badalaan shaqaalaha diyaaradda ‘
Jayse hadalka ayuu sii watay oo wuxuu yiri ‘ Rakaabku way diideen inay dagaan, ka dibna shaqaalaha diyaarada ayaa doortay nin muuqaal ahaan ka soo jeedo Aaasiya ah iyo xaaskiisa in si qasab ah lagu dajiyo’.
”Dhaqtarka ayaa sheegay inuu shaqo isbitaalka ah uu ka daahayo, wuuna diiday inuu dego” intaas ayuu raaciyay ninkan rakaabka ah ee warkan qoray.
Tobon daqiiqo ka dib dhaqtarkii oo dhiig ka da’ayo ayaa dib ugu laabtay diyaaradii.
Ninka wali lama shaacinin aqoonsigiisa balse rakaabka kale ayuu u sheegay inuu yahay dhakhtar
Madaxa shirkadda diyaaradaha United Airlines, ayaa sheegay in shaqalaaha diyaaradda ay si waafaqsan xeerarka shirkadda u dhaqmeen.
Warqad uu u diray shaqaalihiisa ayuu Oscar Munoz waxa uu ku sheegay inuu ka xunyahay sida ay wax u dhaceen.
Waxa uu ku eedeeyay dakhtarka inuu abuuray qas iyo jahwareer.
Mid ka mid ah seddax askeri oo ku lug lahaa dhacdadani ayaa shaqada si ku meel gaar ah looga joojiyay, sida ay sheegtay waaxda duulimaadka Chicago.
Waaxada waxa ay sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto dhacdadani, oo ay sheegtay ”inaysan waafaqsanyn xeerarka ay ku howlgasho waaxda”.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment