Rasmi: Filimka Naam Shabana Iyo Mudo 10-Maalmood Lacagaha Uu Soo Xareeyay

Bulsha:- Filimka Naam Shabana oo ay Taapsee Pannu hogaamiye ka tahay sidoo kalena Super Star Akshay Kumar muuqaal marti ah ku leeyahay ayaa si rasmi ah loo soo bandhigay 10-ka maalmood ee ugu horeyso lacagaha uu keenay.

Sida shabakada Boxoffice India soo daabacday filimka Naam Shabana wuxuu keenay 4.75 Crore (Trade Figure) todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ee ugu horeyso.

Naam Shabana mudo 10-maalmood wuxuu keenay 30.75 Crore (Trade Figure) wuxuuna ka faa’iideesanayaa in todobaadkiisa labaad la waayay filim ama filimo tiyaatarada ku qabsadaan.

Sida muuqato filimka Naam Shabana cimri ahaantiisa wuxuu gaari doonaa 34 Crore ilaa 35 Crore taasi oo ka dhigi doonto filimka 5-aad ee lacagaha ugu badan sanadkaan soo xareeyay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment