Salman Khan Oo Doonaayo In Katrina Kaif Atariisho Ka Noqoto Filimka Aamir Khan Ee Thugs of Hindostan

Bulsha:- Aamir Khan Iyo Amitabh Bachchan filimkooda Thugs of Hindostan wuxuu ka mid yahay filimada ugu xiisaha badan ee sanadka soo socda la daawan doono.

Filimkaan ayaana ilaa hada loo raadinaaya atariishada Aamir Khan la sameyn laheyd Waxaana filimkaan loola xariiriyay atariisho badan kasoo bilaab Vaani Kapoor Fatima Sana Shaikh Parineeti Chopra Shraddha Kapoor iyo Alia Bhatt ilaa hadana ma jiro atariisho loo magacaabay filimkaaan.

Maanta ayaa soo baxay war xiiso leh oo ah Salman Khan inuu doonaayo Katrina Kaif inuu hogaamiye ugu dhigo filimka Thugs of Hindostan Salman Khan ayaa bilawga sanadkaan balan qaaday in Katrina Kaif uu kusoo celin doono wadada guusha.

Salman Kha wuxuu mar kale Atariisho Katrina Kaif  ugu dhigay filimkiisa Tiger Zinda Hai wuxuuna doonaaya inuu mar kale atariishadaan ka ciyaar siiyo filim weyn si awoodeeda oo buuxa usoo laabato wuxuuna doonaaya inuu atariisho ugu dhigo filimka Thugs of Hindostan.

Laakiin qofka go’aanka gaari karo waa Aamir Khan Iyo Aditya Chopra maadaama Salman Khan Saaxiib yihiin Aamir Khan waxaa macquul ah in Katrina Kaif fiimkaan boos muhiim laga siiyo markaan ka dib filimkooda Dhoom 3 oo door yar ku laheyd.
waxaana mar dhaweyd idinla wadaagnay in Aamir Khan atariisho uu la shaqeeyay uu mar kale shaashada filim kula waadagi doonin haddaba aan aragno arintaan meeshay ku dhamaato.

Dhinaca shaqada Katrina Kaif ayaa ku mashquulsan filimkeeda Tiger Zinda Hai oo la daawan doona sanadkaan gaar ahaan bisha december.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment