Bulsha:- Priyanka Chopra filimkeeda ugu dambeeyay Marathi-ga ah Ventilator oo ay soo saare ka ahayd waxaa lagu qaatay sedex abaal marin oo National Film Awards ah waxaana abaal marinta ay dowlada Hindiya bixiso.
Sedexda biladood ee qaybta Marathi filimka Ventilator lagu qaatay waxay kala yihiin Best Director, Best Editing and Best Sound waana mid siweyn u farxad galisay kooxda filimkaan ka shaqeesay.
Priyanka Chopra ayaa sheegtay in abaal marinada aysan is raacsiinin dareen ahaan waxayna tiri “Marnaba isma raacsiiyo abaal marinada jiritaankooda dareen ahaan, waxaan u arkaa hadii bilad lagu siiyo inay dhiiri galin tahay ee lama niyad jabo hadii aad heli weysid”
“Bilada kuma qayixi karto ama cadeyn uma ahan shaqsiga aa tahay ee waa dhiiri galin oo kaliya, sidaa darteed abaal marinada yaan la is raacsiin waxaa ka weyn dadaalkiina ee jilaa kasto dadaalkiisa hasii wato waa hubaal in qof walbo dadaalkiisa lagu abaal marin doono”
“Waa arin fiican inaad abaal marin ku guuleesatid sidoo kalena la aqoonsado shaqadaada, laakiin ku guuleysiga biladaha iyo noloshaada fanka ha isku xirin hana is raacsiin bilad walbo oo lagu siiyo ama aad heli weysid”
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment