Ranbir Kapoor Iyo Deepika Padukone Oo Waqti Wacan Isla Qaadanayaan Maal Mahan

Bulsha:- Sida aad ku fikireesid ma ahan balse hubanti ahaan Ranbir Kapoor iyo Deepika Padukone maal mihii ugu dambeeyay waqti wacan ayay wada qaadanayeen.

Waxaa la sheegay in Ranbir iyo Deepika ay si wacan kaga qayb qaateen barnaamij samafal ah oo ay soo qaban qaabisay Neetu Kapoor oo ay Ranbir hooyadiis.

Sidoo kale dhawaan Ranbir iyo Deepika waxay isla sameeyeen ruwaayad kooban oo uu iska leeyahay Director Imtiaz Ali waxayna ku sameeyeen magaalada Delhi.

Waxaa muuqato laamihii hore inay maal mahan waqti wacan isla qaadanayaan madaama sanadkii hore inta badan ay hawl kala duwan ku kala mashquuleen.

Dhinaca shaqada Ranbir Kapoor wuxuu ku mashquulsan yahay duubista filimka Sanjay Dutt noloshiisa looga hadlaayo oo la daawan doono 21-ka December 2017.

Halka Deepika iyadana ku mashquulsan tahay duubista filimka Padmavati oo uu Sanjay Bhansali iska leeyahay lana jilayaan Shahid Kapoor iyo Ranveer Singh lana daawan doono 17-da November 2017.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment