India oo soo dhaweysay furashada Badmaaxayaal Hindi ah oo lagu heystay…

Bulsha:- Dowladda India ayaa uga mahad celisay Dowladda Soomaaliya soo furashada Badmaaxayaal u dhashay wadanka India oo ay afduubteen kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

War qoraal ah oo ay barteeda twitterka ay ku soo qortay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Hindiya Sushma Swaraj ayaa waxa ay ku sheegtay in ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay uga mahdcelineyso sii daynta ku dhawaad 10 ruux oo u dhashay dalka Hindiya kuwaas oo gacanta ugu jiray kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo horay uga afduubtay Biyaha Soomaaliya xili ay saarnaayeen Markab Ganacsi oo ku sii jeeday wadanka Yemen.

Ciidamada Ammaanka maamulka Galmudug ayaa shalay soo furtay dadkaan u dhashay India oo Kooxaha Burcad Badeeda ay ku haysteen degaan hoos tago Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment