Qiso aadan waligaaga maqlin yaysan ku dhaafin

Bulsha:-Qisadaan waxa ay ku dhacday Gabar kamid ah gabdhaha  wanaagsan kuwaaso raali Galiyay ALLAHII abuuray, waxa ay kamid ahayd ardayda wax ka barata jamacadaha Carbeed.  Gaar ahaan kulyada ISLAMIC.

Waxaa qisadan ka sheekeynaya SHIKH goob joog ka ahaa,  waxa u leeyahay Sida tan: Gabadhaan waxa ay ahayd mid  ALLE weyne u siyay Cod aad u macaan, taaso ay ku aqrin jirtay  Quranka Karimka Habeenka Intiisa dambe, heer waxa ay  gaartay ay hooyada gabadhan dhashay ay soo jeedo habenka 
intiisa dambe si ay u dhagaysto Codka aadka u Quruxda badan 
oo ay gabadheda Quranka Ku aqrinayso,




maalin maalmaha kamid ah, ayaa waxa dhacday in  Gabadhii xanuunsato, xanuun daran,  waalidkeed waxa ay go'ansadayn in ay Isbital u qadan Gabadhoda,  kadib waxa ay u qadayn Isbitalka Laakin Nasiib xumo, 
daqiiqado yar kadib waxaa loo sheegay in gabadhoda ay Geeriyotay, 
murugo & isa samarsin kadib waxa la'aasay Gabadhi, 
laakin maxa dhacay marki la'aasay kadib?

waxaa la yimid Gurigii, waxaa meesha ka baxay farxadii lagu yaqaanay Reerkan, laakin marki la gaaray habeenkii wiliba xiliga ay gabadha aqrin jirtay Qur'aanka, waxaa soo kacay hooyadji sida caadada u ahaydba marka ay usoo dhawaatay 
qolkii Gabadha ay daganeyd, hooyadii waxa ay maqashay, Ooyin, 
weliba dad badan oo ooynaya, hooyadii way argagaxday, 
kadib waxa ay soo kicisay Aabihii Guriga, kadib isagana wuu la yabay,

waxa uu galay qolka, waxa uu daaray leerka Qolka mise cidna kuma jirto, 
habenkii 2baad & 3xaad waa sidii wax baa ooynaya marki la gaaro xiligii 
ay Gabdhu Qur'aanka Aqrin jirtay, hadana lama arkayo, 
kadib arintan waxa loo bandhigay SHIIKHA qisadan Warinaya, 
waxaa la balamiyay Xiliga ay arintan dhacdo oo ah 1:00 Am, 
kadib shiikhii ayaa yimid Guriga, mise waxa uu maqlay wixii ay horay u maqli 
jireen reerka, kadib Shiikhi isagana waxa uu la dhacay ooyin xad dhaaf ah,
tasoo ka yaabisay reerki oo dhan, mudo kadib ayuu 
Shiikhi ku yiri reerka:
Maxay Qaban jirtay Gabadha xiligan oo kale?, 
Mamada guriga ayaa dhahday:
xiligan oo kale waxa ay aqrin jirtay Qur'aan, 
Salaatul-leelna way tukan jirtay. Kadib Shiikhii isaga oo oynaya ayuu dhahay,

Walaahi waa ruux wanaagsan gabadhaas sababtoo ah, 
waxa ooynaayo oo adan arkeynin waa MALAA'IG 
iman jirtay xiligan oo kale kuwaaso waayay codkii wanagsanaa 
ee gabadha taasoo Qur'aanka ku aqrin jirtay cod macaaan.

Hadaba walaal ruux walba oo fariintan aqrinayow, is weydii 
→ Maxaad u diyaarsatay la kulanka Alle?
→ Ma aqrisaa mana Fahamtaa Kalaamka ALLE Weyn?, 
→ Ma tukataa Salaatul-leylka?

Walaahi waa la dhiman, cid hareysaayi ma jirto, Fadlan 2 daqiiqo Fakir...
→ Maxaa laguu abuuray? 
→ Goormeyna Ajashaadu tahay? 
waxan hubaa in aad naftaada baadi goobi doonto hadaad tahay ruux imankiisu uu wanaagsan yahay. 
Ogow maanta fursad baad haysataa, waxa la gaarayaa maalin fursad kale aan lagu siineyn, hadaad imtixaankaas mar ku dhacdo ma jirto fursad kale 
oo aad isu soo habeysid, hada ayaad haysataa fursad marka ka 
faa'iideyso walaal, noqo Ruux Caaqil ah, oo fakiragana dhiibo











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment