Gabar qabsatay qalbiyada shacabka Koofur Afrika oo geeriyootay (Sawiro)

Bulsha:-  Gabar qabsatay qalbiyada shacabka dalka Koofur Afrika oo si geesinimo leh ula dagaalantay cudur soo dedejiya da’ada ayaa geeriyootay iyadoo 18 jir ah.

Gabadhan Ontlametse Phalatse ayaa dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen inaysan noolaan doonin wax kabadan 14 sano.  Madaxweyne Jacob Zuma ayaa ka mid ahaa dadka qoyska ay ka baxday gabadhan ugaga tacsiyeeyay geerida ku timid, waxana uu ku tilmaamay inay tahay “Ilmihii gaarka ahaa ee Koorfur Afrika”. Sidoo kale gabadhan ayaa qoyskeeda iyo asxaabteedaba waxa ay u naaneysi jireen “Marwada Koowaad”.

Sidoo kale gabadhan ayaa magaca Marwada Koowaad waxa ay ku qaadatay iyadoo ahayd haweeney madow ah ee uu cudurkan ku dhacay dalka Koofur Afrika.

Hase yeeshee Ontlametse ayaa jecleyd nolosha waxayna u nooleyd si xayi ah marna lagama dareemeyn inay ku dhalatay xaalad aan caadi ahayn.

Madaxweynaha Koofur Afrika ayaa ka qeybgalay xafladii ay u dabaaldagaysay gabadhan 18 sano jirka waxana uu u balan qaaday inuu siin doono baabuur.

Gabadhan ayaa markii ay dhalatay waxa ay ahayd qof caadi ah sida ay sheegtay hooyadeed hase yeeshee markii ay sanad jirsatay ayaa laga dareemay inaysan caadi ahayn wajigeeduna uu noqday sidii qof da’ ah.

Markii ay saddex sano jir ahayd gabadhan ayaa aabaheed uu ka cararay qoyskiisa balse hooyadeed ayaa ku dadaashay waxayna geysay dugsi markii ay lix sano jir ahayd.

Ontlametse ayaa hase ahaatee ardaydii ku fasalka ahayd waxa ay uga shakiyeen in ay qabto cudurka HIV oo ahaa cudur ku badan dalka Koofur Afrika.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment