Ciidamada Amisom oo maanta garoonka diyaaradaha ku bahdilay Wasiirada Gargaara & Fariin ay soo dhigtay…

Bulsha:- Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka ah garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Adde International Aiport ayaa tallaabo sumcad darro ah ku sameeyey wasiirka Gargaarka dowladda Soomaaliya Maryam Qaasim.

Ciidamada AMISOM ayaa Madina Gate u diiday inay galaan wasiir Maryan iyo wafdi ay hoggaamineysay oo shir ku lahaa gudaha Garoonka Aadan Cadde, waxayna la ballansanayeen Madaxda Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ayaa ku dooday inaan lasoo ogeysiin imaanshaha wasiirka, sidaas darteedna aysan macquul aheyn inay gasho garoonka.

Arrintaan ayaa noqoneyso mid sharaf dhac ku ah wasiir Maryam oo lagu tilmaamay inay tahay mid kamid ah wasiirada ugu daacadsan Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, iyadoo waxqabadkeeda la arkay xilligii xukuumaddii Tayo.

Maryan Qaasim oo farriin kulul soo dhigtay barta ay ku leedahay meelaha ay bulshada ku sheekeysato ayaa arrintaas ku tilmaamatay inay tahay wax aan la aqbali karin, waxayna ku sheegtay falkaas inaysan AMISOM u heli doonin wax cudur daar ah.


“We are working under difficult circumstances in Somalia but there is no excuse 4behaviour I saw today from condescending behaviour from AmisomSoldiers towards me &  my female staff today at MIA Medina Gate is unacceptable” Maryan Qasim

Waxay sheegtay inay ku shaqeenayaan xaalad adag oo ka jirto Soomaaliya, balse aan wax cudur daar ah loo heli doonin falkii ay iyada iyo gabar la socotay kula dhaqaaqeen ciidamada AMISOM oo uu diiday inay galaan Al-baabka loo yaqaan MIA Madino oo ka tirsan garoonka Diyaaaradaha Muqdisho.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment