Shahid Kapoor “Kangana Wixii Madaxa Kaga Soo Dhaco Ayay Iska Sheegtaa!”

Bulsha:- Shahid Kapoor ayaa ugu dambeyntii Kangana Ranaut weerarka ay ku heyso ka hadlay xili xidigaan uu qaati ka taagan yahay maxaa ula shaqeesay atirishadaan!

Kangana Ranaut ayaa dhawaan sheegtay inay Shahid Kapoor la wadaagtay hal meel oo ay wada jiifteen kana wada cunteeyeen qarrow ka qaaday markii filimka Rangoon ay wada duubayeen.

Kangana waxay tiri “Rangoon qaybo ka mid ah waxaan ku duubnay meel duleed ah oo aan adeeg walbo laga heleyn sidaa darteed aniga iyo Shahid hal goob ayaan wada seexan jirnay ka wada cunteyn jirnay xitaa hal musqul ayaa naga dhaxeesay”

“Shahid waa nin si qayaali ah u dhaqmo waayo adigoo subaxdii hurdaayo ayuu heeso kugu shidaa marna buuq ayuu bilaabaa xili uu jecel yahay subaxdii hore inuu jimicsi sameeyo”

“Sidaa darteed waqti qarow ah ayaan Shahid Kapoor la qaatay!!”
Shahid Kapoor wey ka dhaadhici weesay in Kangana ay sidii ay doonto u hadashay wuxuuna ugu jawaab celiyay “Kanagana wixii madaxa kaga soo dhaco ayay iska sheegtaa, xitaa wareysigeedii faraha badnaa ma xasuusto waxa ay ku sheegtay marka jawaab badan uma haayo!!!”

Waxaa muuqdo in Kangana markaan Shahid Kapoor diirada saartay inay weerar ku qaado maalin walbo xili labadaan jilaa ay isla soo wadaan filimka Rangoon oo 24-ka bishan Febraayo la daawan doono waxaana kula jiro Saif Ali Khan.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment