Filimka Kaabil Iyo Mudo Sedex Todobaad Lacagaha Uu Gudaha Hindiya Ka Keenay

Bulsha:-  Hrithik Roshan iyo Yami Gautam filimkooda Kaabil ayaa u suura gashay inuu todobaadkiisa sedexaad soo xareeyo 4.10 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India shaaca ka qaaday ayadoo kasoo xigatay kooxda cajaladaha qeybiyaan iyo kuwa tiyaatarada iska leh.

Kaabil todobaadkiisa sedexaad si wacan ayuu Boxoffice-ka kaga awood badiyay filimka Raees iyo todobaadkiisa labaad balse todobaadkii kowaad ayaa si weyn loo garaacay waana mida keentay in farqi ahaan labadaan aad u kala lacag badan yihiin.

Kaabil mudo sedex todobaad ah wuxuu gudaha Hindiya kasoo xareeyay 86.50 Crore (Trade Figure) sidoo kalena cimri ahaantiisa wuxuu ku istaagi doonaa 87.50 Crore waxaa intaas u dheer in saami ahaan kooxda cajaladaha qeybiyeen filimkaan ka heli doonaan 42 Crore (Ditsributor’s share).

Fadlan hoos kaga bogo mudo sedex todobaad ah filimka Kaabil lacagaha uu gudaha Hindiya kasoo xareeyay:
Todobaadka kowaad – 65.74 Crore

Todobaadka labaad – 16.66 Crore

Todobaadka sedexaad – 4.10 Crore

Wadarta Guud – 86.50 Crore (Trade Figure)

Kaabil sidoo kale qaybtiisa Af Tamil iyo Telugu lagu daawaday wuxuu ganacsi ahaan sameeyay ama laga helay 3 Crore taasi oo ka dhigan in filimkaan ganacigiisa guud ee gudaha Hindiya inuu haatan maraayo 89.50 Crore (All India Business).








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment