Rasmi Filimka Jolly LLB 2 Iyo Todobaadkiisa Kowaad Lacagaha Uu Gudaha Hindiya Ka Keenay

Bulsha:- Super Star Akshay Kumar filimkiisa Jolly LLB 2 ayaa u suura gashay inuu ganacsi heer sare ah sameeyo todobaadkiisa kowaad wuxuun soo xareeyay 72.25 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India shaaca ka qaaday ayadoo kasoo xigatay kooxda cajaladaha qeybiyaan iyo kuwa tiyaatarada iska leh.

Sidoo kalena shirkada Fox Star Studio oo filimka Jolly LLB 2 iska leh waxay shaaca ka qaaday in filimkaan uu soo xareeyay 77.71 Crore (Producer Figure).

Jolly LLB 2 ganacsigiisa ugu wacan wuxuu ka sameeyay Waqooyiga Hindiya gaar ahaan Delhi iyo East Punjab sidoo kalena Mumbai ganacsi dhex dhex dhexaad ah ayuu ka sameeyay.

Jolly LLB 2 wuxuu ku liitay todobaadkiisa kowaad tiyaatarada loo yaqaan Single Screens waana caqabad Akshay Kumar daba taagan dhawaanahan hadii uu rabo inuu filim weyn oo lacago baaxad leh soo xareeyaan waa inuu Single Screens ka gadmaa waayo filimkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyya Rowdy Rathore 5-sano ka hor ayuu ganacsi waali ah ka sameeyay Single Screens-ka Hindiya.
Sida muuqato Jolly LLB 2 darajadiisa Hit dhameestiran wuxuu gaari doonaa sida uu Jimcadiisa labaad u guda galo ama sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso ganacsi u sameeyo.

Jolly LLB 2 cimri ahaantiisa wey ku adag tahay inuu 130 Crore gaaro taasina waxay ka dhignaan doontaa in weli Raees oo Boxoffice-ka ku liitay sii ahaan doono filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay sanadkaan 2017.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment