Dowladda Madaxweyne Farmaajo oo Bilaawday Bixinta Mushaarka Ciidanka Qalabka sida.

Bulsha:- Madaxweynaha dowlada Federaalka ee Soomaaliya mudane, Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa la sheegayaa inuu amar ku bixiyay in mushaaraadka la siiyo ciidanka dowlada Soomaaliya oo mudo 8-bilood ah qaarkood wax mushaaraad ah.

Shalay ayay ahayd markii ciidanka booliiska Soomaaliya ay qaateen mushaarkii ugu horeeyay ay helaan mudo 8-bilood ah, waxaana mushaarka la siiyay ciidanka booliiska uu yahay hal bil oo kaliya, waxaana wali ka maqan ciidanka mushaar iyo xaquuqo kale oo ay lahaayeen.

Mushaarka ciidanka booliiska Soomaaliya waxaa qahyb kamid ah bixiya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamijyada(UNDP), mushaarka hada la siiyay ciidanka booliiska ayaa ahaa kan ay bixiso dowlada Federaalka ee Soomaaliya.
Saraakiisha ciidanka booliiska ayaa soo dhaweeyay bixinta mushaaraadka ciidanka booliiska, waxa ayna muujiyeen in rajo wey ay ka qabaan inay si joogto ah u helaan Mushaarkooda maadama la doortay Madaxweyne Farmaajo oo looga bartay taageerida ciidanka qalabka sida.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment