Bulsha:- Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa soo saartay liiska 16 wadan oo dadkooda laga mamnuucay iney u safraan boqortooyada Sucuudiga, iyadoo la joojiyay duulimaadyada ka imanayay wadamadaas.
Qoraal ka soo baxay ayaa lagu sheegay in go’aankan uu jawaab u yahay kiiska cudurka COVID-19 oo sare uga sii kacaya dalkaas, iyadoo Wasaaradda Caafimaadka Sacuudiga ay Sabtidii werisay 414 kiis oo cusub oo la xiriira cudurka COVID-19, taasi oo shan jeer ka badan tirada kiisaskii la arkay March iyo April. 81 ka mid ah kiisaskaas ayey xaaladdoodu halis tahay, sida ay sheegeen bahda caafimaadka.
Wadamada kale ee duulimaadyadooda la mamnuucay ayaa kala ah; India, Lebanon, Syria, Turkey, Iran, Afghanistan, Yemen, Ethiopia, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Libya, Indonesia, Vietnam, Armenia, Belarus, iyo Venezuela.
Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in laga yaabo inuu isbedelo go’aankan kahor Xajka oo ku beegan horaanta bisha July 2022, si ay u soo xajiyaan dadka ka baxaya Soomaaliya, waxaana laga warqabaa in dlkan uu kiisaskiisa COVID-19 uu ahaa mid aad u yar mudooyinkii la soo dhaafay.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment