Deg Deg: C.C.Shakuur oo lumiyay xubinimadii Baarlamaanka

Bulsha:- Hogaamiyihii xisbiga Wadajir hadana loo doortay Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka islamarkaana u tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waayay kursigii Golaha shacabka.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa kadib markii uu siyaasigan aqbalay xilka Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya ee manta uu u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadaba sida ku cad Qodobka 59-aad ee Dastuurka KMG Xubinimada Baarlamaanka Federalka waxaa lagu lumin karaa:

(A) Xubinta oo geeriyoota

(B) xubinta oo ay Lasoo gudboonaato xaalad xil gudasho la’aan joogto ah.

(C) xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay lagana aqbalo.

(D) ka maqnaasho laba kalfadhi oo isku xigta ayada oo aanay jirin sabab maangal ah.

(E) Hadii ay Xubintu aqbasho xil dowladeed oo aan wasiir aheyn.

(F) Hadii la hakiyo xuquuqdiisa muwaadinimo sida ku cad sharciga.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment