Xasan Sheekh oo xil hoose u magacaabay C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Bulsha:- Madaxwayaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah hogaamiyaha xisbiga Wadajir u magacaabay ergayga gaarka ah ee arrimaha abaaraha iyo Bini aadannimada ee Soomaaliya sida ilo Xog-Ogaal ah Wwabaahinta u sheegeen .

Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame ayaa Ka mid ahaa musharaxinti u tartameysay xilka madaxweynanimada Soomaaliya ee doorashadiisa lagu qabray teendhada Afisyooni 15-kii bishan May, iyadoo ay dartiis tartanka uga hareen laba musharax oo ay isku beel ahaayee .

Mr. Warsame oo kamid ahaa dadka la hadal hayay iney xilka mdaxweyne ku guuleysan karaan ayaa ku haray wareega koowaad isagoo hekllay 15 cod oo kaliya, taasoo lama filaanadii ka dhacday doorashada kamid noqotay.


C/raxmaan C/shakuur ayaa kamid ahaa mucaaradka ugu weyn ee madaxweynihii hore Farmaajo, isagoo shantii sano ee la soo dhaafay soo bandhigi jiray dhaliilaha dowladda ilaamaa uu gaaray inuu magacyo u bixiyay kooxaha baraha bulshada ka taageera dowladda oo uu ugu yeeray magaca “CBB” uu ula jeeday Cayayaanka Baraha Bulshadan, dad badan ayaa rumeysan iney arintan xal u tahay inuu Xasan Sheekh dhaliill kala kulmo Ina Warsame.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment