Madaxweynihii hore Mudane Farmaajo oo shaaciyey xogta askartii la geeyey Eritrea iyo Madaxweyne Xasan oo jawaab bixiyey

Bulsha:- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad ka jeediyey munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha cusub ayaa ka hadlay arrimo ku aadan askartii loo qaaday wadanka Eritrea.

Farmaajo ayaa ka sheegay xil wareejinta in ciidamadii ugu badnaa ee Soomaaliyeed tababar loogu qaaday dalka dibaddiisa, gaar ahaan Eritrea, ayna diyaar yihiin.

Madaxweynihii hore ayaa xusay ciidamadaasi ay gaarayaan  illaa 5,000 oo askari, isla-markaana ay dhammeysteen tababarka, balse ay dib u dhigeen doorashada darteed.

“Shan kun oo askari ayaa tababar u geynay Eretareeya waxa ay tababarka dhammeysteen sanadkii hore bartamihiisa, waxaana dib ugu dhignay xaaladda aan ku jirnay iyo in aysan saameyn doorashada dalka”ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Ujeedka ciidamadan Eritrea loo geeyey waxa uu ku sheegay in la tababaro, si ay qayb uga noqdaan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii ciidamadii Eritrea la geeyay dalka loogu soo celin lahaa, maadaama ay muddo dheer ka maqnaayeen waalidoontooda.

“Ciidamada Eritrea jiray muddo dheer wey naga maqnaayeen waana wiilasheenii, waan ka shaqeyneynaa sida ugu dhakhsiyaha badan in dalka ay ugu soo noqdaan oo dalka dib u xoreyntiisa qeybta weyn ay ku leeyihiin ay ka qaataan, waa ciidan Soomaaliyeed, dalka Soomaaliya baa iska leh,” ayuu yiri Madaxweyna cusub oo maanta xilka la wareegay.


Si kastaba, dood xoogan ayaa horay uga dhalatay ciidamada Soomaaliyeed ee la geeyey dalka Eritrea, iyada mar lasoo wariyey in laga qayb galiyey dagaalkii ka dhacay waqooyiga dalka Itoobiya, taas oo uga sii dartay walaaca waalidiinta ay ka maqan yihiin caruurtooda.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment