Kangana Oo Shahid Usoo Jawaab Celisay: Markale Hrithik Ayay Sheekadan Kangana Ku Lifaaqday!!

Bulsha:- Atirishada Kangana Ranaut kalama dhamaadaan qofkii ay hadal iskuu tuuraan ilaa ay sheekada meel xun ka gaarto waxayna haatan mareysaa in saxaafada mashruuc ka dhigato hadalada Kangana iyo Shahid Kapoor isku tuur tuurayaan.

Kangana ayaa weerar kaftan ku dheehan ku qaaday Shahid Kapoor ayadoo markii hore ka dhawaajisay inay xidigaan waqi qarrow ku dheehan la qaadatay xili ay filimka Rangoon ku duubayeen meel duleed ah oo aan wax walbo laga heli karin.

Shahid isagana wuu usoo jawaab celiyay wuxuuna Kangana ku tilmaamay qof wixii madaxeeda kusoo dhaco ku hadasho oo aan warkeeda kasoo qaad laheyn!

Hadaba Kangana si dhaqsi ah ayay hadalkii Shahid kaga soo jawaab celisay waxayna tiri “Hadalkii uu ku hadlay Shahid waa mid uu Hrithik Roshan kasoo amaahday, hadaladaas Hrithik ayaa lagu yaqaan waana qasab in Hrithik uu Shahid ku dacweeyo Copyright-kiisa ereyada uu caanka ku yahay in laga adeegsaday fasax la’aan”

“Waxaa wanaagsan in qof walbo oraahdiisa gaarka ah inuu ku hadlo ee ma ahan inuu dad kale wax kasoo amaahdo”
“Hadii aan usoo laabto hadalkii aan ku iri in Shahid waqti dhib badan la qaatay waxaan ka waday in hal meel oo aan wax kala laga heleyn isla joognay oo aan cabiraayay dhibka aan ka marnay sameynta Rangoon laakiin xumaan kale Shahid uma haayo”

Kangana Ranaut ayadoo Shahid Kapoor u jawaab celineyso waxay hilfa u qaaday xidigaan madaama ay ku tilmaantay inuu ku hadlay ereyo Hrithik Roshan lagu yaqiinay waayo Hrithik ayaa inta badan dhaho “Kangana waa qof waalan oo isaga hadasho wixii maskaxda kaga soo dhaco!

Walee Shahid Kapoor wuxuu isku daar daartay Kangana oo aan afkeeda laga nabad galeyn waxaana u wanaagsan inuu iska aamuso si kasto oo ay dagaal ugu soo qaado hadii kale sidii Hrithik camal ayay dhiiqo dhexda ka fariisin doontaa!!!!!







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment