Bulsha:- Atooraha caaanka ah ee shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywod Industry wiilka lagu magacaabo Shahid Kapoor ayaa beeniyey wararka xanta ah ee sheegaya inuu khilaaf kala dhexeeyo atariishada ay isla sameynayaan filimka Rangoon ee Kangana Ranaut.
35 sanno jirkaan Shahid Kapoor ayaa daaha ka qaaday in gabi ahaanba uusan jirin xiriir xun oo kala dhexeeya 29 sanno jirta caanka ah Kangana Ranaut isla markaana qaab farxad ku dheehan tahay uu ula xayeysiin doono filimkooda Rangoon.
“Gabi ahaanba wax khilaaf ah nagama dhexeeyaan aniga iyo Kangana. Si farxad ku dheehan tahay ayaan ula xayeysiin doonaa filimka Rangoon waqti walba iyo meel walba. Xiriir wanaagsan ayaa igala dhexeeya Kangana iyo Saif, oo sidoo kale door muhiim ah ku leh filimkaan,” Shahid ayaa sidaasi u sheegay saxaafadda.
Shahid iyo Kangana ayaa markii ugu horreysay hal filim isla sameynaya, warbaahinta India ayaana si weyn u buunbuunisay in uusan xiriir wanaagsan labadooda ka dhexeyn – xitaa warbaahintu waxay sheegeen inuu Shahid diiday inuu filimkaan la xayeysiiyo Kangana.
Filimsameeye Vishal Bhardwaj ayaa iska leh Rangoon waana markii seddaxaad oo uu la shaqeeyo Shahid ka dib filimkii Kaminey: The Scoundrels iyo Haider. Wuxuu haatan Shahid ka shaqeynayaa filimka Padmavati Ranveer ee Director Sanjay Leela Bhansali waxaana filimkaas uu la hogaaminayaa Ranveer Singh iyp Deepika Padukone.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment