Daawo Sawirada:- Gabar Cadaan Ah Oo Qoyskeeda Dayriyeen Kadib Markii Ay Jeclaatay Nin Madoow Ah

Bulsha:- Gabar ardayad ah oo Mareykan ah ayaa loo ururiyey taburacaad lacageed oo gaaraya 10,000 doolar ka dib markii ay sheegatay in hooyadeed iyo aabaheed ay xiriirka u jareen, sababo xiriir jacayl oo ay la leedahay wiil madow ah.

Allie Dowdle ayaa sheegtay in waalidkeed diideen inay siiyaan wax dambe oo lacag ah iyagoo xusay inay ka biyo diidsan yihiin xiriirka ay ku jirto ee ay la leedahay wiilka madowga ah.

Sheekadeeda ayay ku qortay bog Internet oo taburcaadka lagu ururiyo oo lagu magacaabo GoFundMe, waxay tiri Allie “Iyadoo da’deydu tahay 18 sano waalidkey waxay doorteen in aanay dib dambe ii taageerin mustaqbalka, waxay iga qaadeen wax kasta oo aan ka heli karay xaggooda”.

Gabadha Aabaheed wuxuu beeniyey eedeynta isagoo meesha ka saaray inay ku jihaysan tahay midab.

Allie waxay sheegaysaa in iyada iyo Michael Swift [Lamaanaheeda] ay xiriir lahaayeen muddo sannad ku dhaw isla markaana ay u sheegtay waalidkeed, laakiin arinku wuxuu si wayn u soo shaac baxay markii Michael uu u tagey waalidkeed dabaaldagii cidda masiixiga.

Waxay sheegatay in kulankaas ka dib waalidkeed xiriirka u jareen iyadoo hadda ka dib aan u lahayn wax awood ah keydkeeda dhaqaale, baabuurka iyo telefoonka, isla markaana aanay awoodin inay iska bixiso qarashka waxbarashada.

“Aabahay ima siin, wax doorasho ah, wuxuu ii sheegay in aan la ii ogolayn inaan waligey dib dambe u arko Michael” ayay leedahay.

“Sabab? Xaqiiqiyan waa midabka jirka, ma noqon karo wax kale” ayay hadalkeeda sii raacisay Allie.
“Ma ilaawi doono sida waalidkey u qayliyeen, markii ay iigu sharaxayeen dareenkooda sida murugadda xambaarsan,taasi oo ahayd inaan sameeyo wax ka fiican waxa aan samaynayo”.

“Ma aqaan sidaan yeelo. Ma fahmi karo sida qof hoos loogu liidi karo sabab la xiriirta midabkiisa. Taas ilaa iyo hadda igama daadegin”.

“Sidee jacaylkeyga aan u hayo qof uu u noqon karaa wax qaldan sabab midabkiisa ku aadan” ayey tiri Allie Dowdle oo intaas sii raacisay “Maxay tahay sababta aanay iigu yeelan karin wax qiimo ah mustabalka, aad ayaan u dadaalay”.

“Sababtoo ah waalidkey waa kuwa i dhalay, ognna inaan ahay gabadhooda, marka inaan qiimo u yeelan waayo waqtigooda iyo lacagtooda, taas waxaan u bandhigay dadka si ay ii caawiyaan.

Qoyska Allie Dowdle waxay degan yihiin Eads, 30 mile ayay u jirtaa Memphis
Bill Dowdle [Aabaha gabadha] wuxuu sheegay in hadaladda gabadhiis yihiin “marmarsiiyo” isgaoo sheegay inay siiyeen taageero sare, wuxuu xusay in isaga iyo xaaskiisu aqbali lahaayeen qof kasta oo ay xiriir gabadhooda la yeesha.

Laakiin wuxuu sheegay in ay jiraan arrimo ku aadan shukaansiga qowmiyadaha ee Waqooyiga Mareykanka, gabadhiisana uu xiriirka ugu gooyey xiriirka qarsoodiga ah ee ay la leedahay Ardeyga madow ee lagu magacaabo Michael Swift.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment