Bulsha:- Aditya Roy Kapur iyo Shraddha Kapoor filimkooda Ok Jaanu ayaa u suura gashay si macquul ah inuu Hindiya kaga furmo subaxdii h--e.
Sida ay shabakada Boxoffice Idia xaqiijisay Ok Jaanu subaxdii h--e wuxuu ku furmay 25% waana bilaaw wanaagsan marka loo fiiriyo in atoore awood badan uusan hogaamiye ka ahayn.
Sidoo kale Ok Jaanu wuxuu ka bilaaw wanaagsan yahay Aditya Roy Kapur filimkiisii ugu dambeeyay Fitoor iyo Shraddha Kapoor filimkeedii ugu dambeeyay Rock On 2.
Filimka Ok Jaanu wuxuu subaxdii h--e ee xiliga Hindiya si wanaagsan kaga furmay magaalooyinka Mumbai, Pune iyo Bangalore.
Filimkaan maanta gelinka dambe culees xoogan ayaa soo wajihi doono madaama xiligaas tiyaatarada lasoo saari doono filimka Hollywood-ka ah Return Of Xander Cage ee Deepika Padukone hogaamiye ka tahay.
Sidaa darteed Ok Jaanu wuxuu firaaqo heestaa subaxdii h--e uu si macquul ah ku furmay iyo xiliga galabta Hindiya laakiin caawo inta badan tiyaatarada filimka Return Of Xander Cage ayaa kala wareegi doono.
Waxaa la wada dhowri doonaa filimka Ok Jaanu sida macquulka ah ee uu ku bilaawday inuu sii joogteen karo ama in filimka Hollywood-ka ah Return Of Xander Cage dhibaato xoogan u geesan karo.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment