MUUQAAL:- Haddii Aad Tahay Gabar Soomaali Ah Oo Dooneysa In Lagu Arooso Qiimo Waalli Ah… Ha Isku Tegin Magaaladaan Ku Taalla Soomaaliya

Bulsha:- Dhallinyaro badan oo u dhashay dalkeena Soomaaliya ayaa si weyn uga qeyliyey qiimaha aadka u sarreeya ee ku baxaya arooska hablaha casriga ah.

Gabar kasta oo Soomaali ah oo maanta la aroosyo waxay iska dalbaneysaa qiimo lacageed fara badan, inuu wiilku iyada u iibiyo dahab iyo inuu u dhigo aqal aad u qiimo badan.

Maamulka Degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaana go’aansaday inay lacag aan la dhaafi karin u jaangooyaan aroos kasta oo ka dhacaya gobolka Gedo ee dalkeena Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Beledxaawo, Maxamuud Xayid Cusmaan oo u waramay Wariyaha BBC laanteeda Afka Soomaaliga Axmed Nagaashe ayaana wuxuu sharraxaad ka bixiyey xeerkaan ay dejiyeen ee dhigaya in arooska ugu sarreeya qiimo ahaan ay ku bixi karto $600 dollars.

Halkaan hoose ka dhegeyso wareysigii ay BBC Somali la yeelatay Maxamuud Xayid Cusmaan.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment