Xilliga Uu Jecel Yahay Galmada, Qaabka Uu Dumarka Usoo Jiito Iyo Haddii Uu U Galmooday Karan Johar – SRK Oo Bixiyey Wareysi Xiiso Leh

Bulsha:-  Shah Rukh Khan, dood la’aan waa atooraha loogu aqoonta badan yahay shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood Industry. 51 sanno jirkaan ayaa waxaa wareysi xiiso badan la yeelatay shabakadda The Times of India.

Si kastaba ha ahaatee, wareysigaan lala yeeshay Shah Rukh Khan waxyaabaha lagu weydiiyey inta badan waxay u badnaayeen su’aalo si shaqsi ah u taabanaya, tusaale ahaan qaabka uu soo jiidasho u leeyahay iyo noloshiisa sariirta.

Shabakadda Filimside ayaana halkaan kusoo qaadan doonta su’aalihii ugu muhiimsanaa ee la weydiiyey Badshah Khan. Inaga oo markasta ka bilaabi doona su’aashii la weydiiyey iyo qaabkii uu uga jawaabay.

Shah Rukh Khan ayaa la weydiiyey xilliga uu ugu jecel yahay galmada?  – Wuxuuna isagoo qoslaya ku jawaabay: “Waxaan ugu jeclahay galmada subaxdii xilliga h--e.”

Miyaad cadaw leedahay?  – “Guushu aabeyaal badan ayey leedahay, laakiin waxaan qiyaasayaa inaan cadawna leeyahay”.
Dadka qaarkiis ayaa dhahaya Shah Rukh Khan wuxuu u galmoodaa ragga, maxaad kaga jawaabaysaa? – “Taasi waa waxba kama jiraan. Anigu raga ma dacmo. Dumarkana ma damco marka xaaskeyga laga reebo. Waana ku farax sanahay xaaskeyga. Waxaan isku dayaa wax walba oo galmo ku saabsan laakiin xaaskeyga oo keliya ayaan u taagaa dumar kale uma hawoodo.”

Sidee ayaad dumarka usoo jiidataa, maadaama taageereyaal badan oo dumar ah ay kugu xiran yihiin? – “Malaha muuqaalkeyga aan aflaanta ku sameeyo ayaa ah mid soo jiidasho leh, tusaale ahaan muuqaalkeygii filimka Devdas. Laakiin haddii ay i arki lahaayeen subaxdii xilli h--e ima jeclaan laheyn sababtoo ah markaas ilkaha ma caddeysan, timaha ma shallansan oo waa ay isku dhex yaacsan yihiin sidoo kale fiish ayaan indhaha ku leeyahay”.

Maxaa kaa dhigay atoore special ah oo aad loo jecel yahay? – “Xaqiiqdii wax gaar ah oo aan sheego ma garanaayo. Laakiin waxaan qiyaasayaa in illinteyda shaashadda ee aflaanteyda jaceylka ay dadka qalbiga ka taabatay”.

SRK waxaa u dhaxda Gauri Khan waxaana u jooga seddax caruur ah Suhana Khan, AbRam Khan iyo Aryan Khan. Dhawaanahaan waxaa sarre usii kacayey wararka xanta ah ee ku xeyn daaban jinsi ahaan waxa uu yahay filimsameeye Karan Johar oo ay saaxiib dhow yihiin King Khan, xitaa Shah Rukh Khan waxaa lagu eedeeyey inuu yahay ninka u galmooda LAGAROONE Karan Johar, sida ay saxaafadda India baahineyso.

Laakiin Karan Johar wuu beeniyey arrinkaan inkastoo uusan si rasmi ah u caddeyn jinsigiisa rasmiga ah.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment