Shan Beenood oo Dumarka sanadkan jira ay Ragga u sheegaan (Muhiim ah)

Bulsha:- Inta badan dumarka ayaa sheega kalmado aanay u arag inay been yihiin, balse shucuurtoodu ka keento, arrintaas oo lagu tilmaamo inay tahay haweenka oo xagga jacaylka kaga khiyaamo badan ragga.

Sidoo kale, haweenka qaarkood ayaa beenaha noocaas ah u galaan bad baadinta xidhiidhka saygooda amma qofka jecel, iyada oo aan doonayn inay runta u sheegto si aannu uga tegin.

Haddaba, waxa ay Xiiso Online qormadaan ku soo bandhigi doontaa 5 kelmadood oo haweenku u adeegsadaan beenaha ay ka sheegaan arrimaha jacaylka.

1. Kuma Xiiseeyo:
Haweenaydu qofka ay jeceshahay, balse ka cadhaysan tahay waxay aaminsan tahay inay iska adkayso, sidaa darteedna waxay inta badan ku tidhaa kalmado muujinaya in aanay wax dan ah ka lahayn si ay u soo jiidato jacaylkeeda, waxaanay badanaa si dheel-dheel ah ugu tidhaa ‘Ninyow imaad cajibin,’ waana kalmad ka mid ah beenaha dumarku u sheegaan ragga jecel.

2. Aad baad u qurux badan tahay:
Dhab ahaantii haddii ninku aad u qurux badan yahay, lagama yaabo in haweenku quruxdiisa sheegaan, laakiin waxay gabadhu ku tusaysaa inay iyadu kaa qurux badan tahay, markii haddii ay kalmaddan kugu tidhaa waxa arrin aan run ku jirin, balse dheel-dheel huwan, waxayna ku qarinaysaa waxyaabo ay damacsan tahay amma khaas ah.

3. Daacadnimadaada ayaan qaadanayaa:
Kalmaddan waxay haweenku afkooda ka soo baxdaa marka ay ragga weydiiyaan su’aalo ka mid yihiin; sideen kuula egahay? Ma qurux badanahay? Miyaan buuranahay?
Su’aalahani waa dabin ay wax ku ogadaan, haddii aad u jawaabto iyo haddaad ka aamustana waa kalmado beena oo dumarku wax ku baadhaan. Run ahaantii waxa ka muuqata in aanay daacadnimadaada qaadanayn, waayo haddii aad in yar oo been ah u sheegto si fudud bay kuugu qabanaysaa, waanad kashifmaysaa.

4. Hinaasiyad ma ahi (Maseereey ma ihi)
Waxa laga yabaa inay tahay gabadh aad u hinaase badan, kana xanaaqda markaad eegto qayrkeed amma aad saaxiibbaddaa waqti badan la qaadato, mararka qaarna hinaasuhu waxaba la yidhaa wuu adkeeyaa xidhiidhka lammaanaha haddii siduu yahay loo qaato, halka xilliyada qaarna uu cadow ku yahay jacaylka.

Haseyeeshee, haddii gabadhu kuu sheegato inaanay hinaasiyad ahayn waxa ku duugan inay aad u hinaase badan tahay, sababtoo ah dumarku ma jecla in la ogaado heerka hinaasahoodu gaadhsiisan yahay.

5. Waligeey qof kula barbardhigi maayo:
Waa kalmadaha ugu badan ee haweenku sayadooda ku madadaaliyaan amma ninka xidhiidh jacayl ka dhexeeyo. Sidaa darteed, waxa hubaal ah haddii xidhiidhkiinnu dhammaado inay qof kale nolosha la qaadanayso, waana arrin dhacda oo xaqiiq ah, laakiin kalmaddani waa mid dumarku jacaylka ku xoojiyaan, runna ka ah markay kula joogaan, balse xagga dambe ka burta.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment