Fartuun Birimo oo afka furatay kadib markii ayadoo qaawan

Bulsha:- Fanaanada caanka ah Fartuun Axmed Sahal (Birimo) ayaa ka cabaneysa qaawanaansho jirkeeda ah xilli ay qaadeysay heesta ISASIIN JACEYYL oo ay muddo ka hor la qaaday seygeeda Feysal Hanad.

Fanaanada ayaa baraha Internet-ka ee bulshadu ku kulanto waxa ay ku sheegtay in si gaadmo ah oo khiyaano ku jirto looga qaaday muuqaalkaasi qeyb ka mid ah ay sheegtay jirkeeda inuu qaawan yahay iyadoo codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan looga saaro Barta Youtubeka oo durbadiiba la geliyay, dad badanina ay dhaleeceyn usoo jeediyeen.

“ Anigoo ah Fartuun Birimo waxaan dalbanayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan You tubeka looga saaray muuqaalka fadeexada igu ah aniga,ma ogeyn waa lagu xaday walaalaha waxaan ka codsanaa inay iga aqbalaan,” ayay tiri Fanaanada Caanka ah ee Birimo.

Dadka qaarkii ayaa sheegaya in muuqaalkaan uusan ahayn kii ugu horeeyay ee Fartuun Birimo la arko iyadoo qaawan, islamarkaana ka hor niikineysa dadka hortooda.

Balse arinta lala yaabo ayaa ah in Fartuun Birimo oo looga bartey in ay xiliyada ay Masraxyada ka heeseyso soo bandhigto qeybo badan oo jirkeeda ka mid ah ay haatan ka cabato muuqaal ay markii laga duubayey raali ku aheyd.




Xog ay Allxiiso.com heshay ayaase sheegeysa in tan iyo markii fanaanadan la guursadey una aqal gashay fanaanka kale ee Faysal Hanad ay ka gaabsatey howlaha fanka ayadoo fulineysa codsi seygeeda uga yimid, kaasoo ku amrey in ay cagaha dhulka dhigto waxna ka bedesho dhaqamadii hore ee lagu bartey kuwaasoo dad badani dhaliili jireen.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment