Bulsha:- Marka lasoo hadal qaado habeenka aqal galka waxaa qof waliba oo inaga mid ahi soo xasuusanayaa Habeenka uu fursada u helay iyo kan uu ku raja weynyahay ee uu ifka ka fiirsanayo.
Habeenka aqalka oo ah waqtiga labada lamaane ee mudo soo wada haasaawayay ay ka guul gaaraan Jaceylkooda kuwaasoo mid kuwda noqda nolosha.
Waqtiga gabadha loosoo galbiyo gurigeeda laga kala dareero ood isku soo hartaan runtii labada dhinacba waxaa lakala dareemayaa cabsi & xishood balse Raggu qaar waxay moodaan in haweeneydu isla habeenkaasba weerar lagu qaado moodaan in la dhahay jaaniskaasi yuusan ku dhaafin.
Hadaba waxaa muhiim ah inaad Xalaashaada cusub ula dhaqantid qof aad kulanteen mar qura oo aadan ku dag dagin ula dhaqmin sidii dad sanado is garanayay waa marka laga wada hadlayo habeenka aqal galka, waxaa muhiim ah inaad tixgalin siisid, marti qalbigaaga ku weyn ka dhigatid.
Waxaa hubaal ah in habeenkaas aad uga dhigi kartid xalaashaada cusub habeen xasuus ah oo lama ilaawaan ah , ku dadaal inaad hadiyad lama ilaawaan ah aad siisid, usheekeysid waqti badan aad siisid inaad ka dhaadhicisid nolosha cusub & farqaheeda.
Sheeko dheer iyo wada hadal ku qanci wax walbo ineey yihiin imtixaan sida loogu guuleesto sahlantahay hadii la sahlado, ka dhaadhici inaadan ku eheen cadaw usoo indho cad sidii uu kaga tilaabsan lahaa gabarnimadeeda, qanci oo dareen sii kalgaceylka aad u qabto heerka uu gaarsiisanyahay.
Hadaba gubtanews.com ahaan ku fari mayno sidii aad uga sii jaan qaadi laheed intaas kadib waayo muhiim maaha in lagaaga sheekeeyo sidii aad ula dhaqmi laheed xaaskaaga, Adeegso Raganimadaada, Maskaxdaada, Caqligaaga .
Caqliga kaa maqan waxa uu ku jiraa Walaalkaaga, Hadaba Walaalkoow halkan hoose waxaa kaaga furan meesha aad ugu soo ban dhigi laheed fikirkaaga, Caruuskan cusub misana ku dhiban sidii uu uga sii jaan qaadi lahaa noloshiisa barta uu hada taaganyahay.

Fadlan Fikirkaagu waa muhiim waana Laf dhabarka bulshada Soo ban dhig fikirkaaga adigoo ku cabiraya Mowduuca Miiska inoo saaran mahadsanid.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment