Bulsha:- Mataano dhowaan adduunka kusoo biiray ayaa waxay xisaab ahaayeen degeen maskaxda dhakhtar kasta, illaa haatan ayaana la raadinayaa xalka ugu macquulsan ee sharraxaad lagu bixin karo. Sababtuna waxay tahay waxaa la kala saari waayey midka weyn labadooda.
Kuwaani waa Samuel iyo Ronan oo dhashay Axadii 6dii bishaan November, waalidkood Emily iyo Seth Peterson ayaana daaha ka qaaday inay xaaladdoodu aad u wanaagsan tahay waqtigaan.
Labadooduba waxay ku dhasheen Cape Cod Hospital oo ku yaalla West Barnstable oo dhacda Massachusetts oo USA ah. Haddii aad sharraxaad dheeri ah u baahan tahay. Samuel wuxuu dhashay 1.39am xilliga USA, halka Ronan uu ka dambeeyey 31 daqiiqo. Sidaas darteed waxaa haatan kuu caddaatay inuu weyn yahay Samuel, miyey sax aheyn?
Weli ma saxnid. Marka xisaabta laga fiirsho waqtiga ay maamo Emily dhashay Ronan, waxay aheyd xilligii ay saacaddu dib u shaqeyneysay muddo hal saac ah sababtoo ah waxaa jiray waxa loo yaqaano America Daylight Saving Time. Sidaas darteed Ronan ayaa ka weyn Samuel.
Cape Cod Hospital ayaa waxay sawirkaan iyo waalidka oo heysta labadooda mataanaha ah soo dhigeen Facebook iyagoo sharraxaad ka bixiyey arrintaan waxayna sidaas kusoo jiidatay dadka ku xiran baraha bulshada.
Kalkaalisada khibradda badan u leh shaqadeeda Deb Totten ayaa daaha ka qaaday inay aheyd markii ugu horreysay oo ay la kulantay arrintaan ka dib wax ka badan 40 sanno oo ay kusoo dhexjirtay shaqadaan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment