Bulsha:- Xiriiro kala duwan ayey sameeyaan jilaayaasha Bollywood-ka,waxaana uu xiiso badnaa markii la arko labadii lamaane oo kala haray oo hadana mid kamid ah lamaaniyaashaasi uu xiriir la sameeyo shaqsi oo caan ka ah Bollywood-ka.
Sheekadaan waxaa ay gaar u tahay Aktarka weeyn ee Ranbir Kapoor maadaama uu xiriir lasoo sameeyey Katrina Kaif iyo Deepika waxaase labadaasi xiriir la dareemayaa inay fashil yihiin.
Kareena Kapoor ayaa dareensan in Ranbir Kapoor aan u fiicneeyn labada lamaane ee xiriirka jaceeyl uu la sameeyey waxaana ay sheegtay inay isaga ka mashquul badanyihiin.
Barnaamujka caanka ee Koffe Wih Karan ayaa lagu weydiiyey Kareena Kapoor xiriirka uu dhexda ugu jiray aktarka lagu magacaabo Ranbir Kapoor, waxaana ay sheegtay inaysan hada u arkin in Ranbir Kapoor uu sameeynayo xiriir wanaagsan.
”Labada xiriirba uma wanaagsan isaga,” ayey tiri Kareena Kapoor.
Mararka qaar sheekadaan waxaa loo qaadankaraa in aktarada ay weerar ku qaadeyso labada atariisho , dhanka kalena waxaa ay muujineysaa inay la talineyso Ranbir oo u sheegeyso inuu raadsado xiriir wanaagsan
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment