Habab Haweeney Walba Oo Dunida Ku Nool Ay Ku Uureysan Karto Muddo 24 Usbuuc Ah.

Bulsha:- Dhibaato ayey ku tahay lamaanaha sii kordhaya iney si fudud ku noqdaan qoys ama reer carruur leh sida markii horeba la filayey.

Haddii ay ahaan laheyd ugxanta haweeneyda oo bacrimin weysa lagana helo hoormoonkla loo yaqaano polycystic ovary syndrome (POS), Speermaha oo aad u yardaada, bacrimin la’an aan la sharxin iyo arrimo kale oo badan ayaa dadka ku qasba go’anno wadna jebis ah oo ay hantidooda ku bixiyaan bacriminta lagu sameeyo sheybaarka ee loo yaqaano In Vitro Fertilization (INV), amaba in ay ka quustaan guud ahaan riyooyinkoodii ahaa in ay nolol qoys oo wada jir ah sameeyaan.

Hab cusub ayaase dunida ku soo kordhay oo lagu magacaabo ‘Neuroscientific Fertility Treatment’ kaasoo la sheegayo inuu abuurayo natiijo muddo 24 usbuuc ah gudaheed.

Hab daweedkan cusub ayaa diiradda saaraya inuu ka qaado maanka ama maskaxda caqabadaha ka hor iman kara in haweeneydu uureysato amaba uu yareynayaa cadaadiska Hoormoonka loo yaqaano Cortisol, C21H30O5; Hoormoonkan ayaa xukuma hab dhiska Carbohydrateka siina kordhiya cadaadiska dhiigga, wuxuuna hor istaagaa hab sami socodka uureysiga.

Sidoo kale hagaajinta xaaladda maskaxeed ee bukaanka. Daweyntani ayaa saacida ama kor u qaadaysa muuqaalka caafimaad ee qofka, waxuuna abuuraa jawi wanaagsan oo sahli kara in haweeneydu uureysato.

Waxaa barnaamijkan hal abuuray, Dr Michael Arnold. Barnaamijkan ayaa dhamaantis ah wax dabiici ah, marka loo eego Dr Arnold oo isagu ka helay heerka guusha barnaamijka tiro u dhaxaysa 66 ilaa 77% taasoo ku xiran sababta bacrimin laáanta uu ka hadlay.

Baaritaan kale oo uu sameeyey Dr Michael Arnold iyo kooxdiisa ayaa helay in 75% lamaanaha ku dhaqaaqay tallaabadan daweynta 20 jeer muddo lix bilood ay gaareen guulo xagga uureysiga la xiriira marka la barbardhigo 32.3% bacriminta sheybaarka INV loo yaqaano.

Dhowr Hab Uu Ka Hadlay  Dr Michael Arnold.

SAMEE GALMO SAX AH

Cilmi baaris ayaa muujineysa in lammaanaha sameeya galmada saxda ah ( Ugu yaraan 3 jeer usbuucii) ay laba laabi karaan fursadaha ay u heystaan in uureysi ka dhex dhaco. Lammaanaha galmda sameeya xilliga ugxantu dibadda u soo baxeyso ugxan  sidaha ayey waqti dheer ku qaadataa uureysiga.

BIYO BADAN CAB

Cabidda biyaha ayaa qayb fiican ka qaadata qulqulka dhiigga, waxa ayna kaa saacidaan in si wacan u shaqeeyaan unugyadaada, isku xiraan una shaqeeyaan si wada jir ah, waxeyna markaa kaalin mug leh ka qaataan bacriminta. Cab ugu yaraan 1.5 litir biyo ah maalinti oo fiiltareysan.

Kaadidaadu waxey noqoneysaa jaalle khafiif ah. Tani waxey ka hortageysaa iney isu yimaadaan waxyaabaha wasaqda ee aan loo baahneyn taasoo kuu horseedi karta tabardarri , cadaadis, waxeyna joojisaa dhaqdhaqaaqa xubnaha kala goysyada jirka,cunaha, dhiigga,xubnaha jirka oo dhan iyo dareemayaasha.

SUBAX WALBA CUNTEEY INTA U DHEXEYSA 7:00am-9:00AM

Xubnaha qaar ee jirka aadanaha waxey leeyihiin xilli ay shaqadooda ugu sarreysa qabtaan. Caloosha waa xilliga ay shaqadeeda ugu badani qabsato subax walba 7da ilaa 9ka.Xilligan jirku waxuu aad ugu heellan yahay inuu qaato nafaqooyinka waxtarka leh.

Haddii sidan aadan sameyn,ma awoodi kartid in aad maalinti gelinkeeda dambe qaadato quraac wanaagsan.
Sidoo kale caloosha ayaa active ah ama u diyaar ah shaqo inta u dhaxeysa 7ilaa 9ka fiidnimo, sidaa darteed waa xilliga ugu xun ee cunto culus aad qaadato. Marka dadku ay yiraahdaan quraacdu waa cuntada ugu mihiimsan maahan iney kaftamayaan ee waa dhab.

Si aad u kordhiso qaadashada nafada waxa aad raacdaan oraahda dheheysa Quraacdu waa Boqor,Qadadu Waa Amiir, Cashaduna waa Maskiin (waxba heysan).

HUBI INAAD TAHAY RUUX HURDA XILLIGA 11:00PM EE HABEENIMO

Waqtiga habeenkii waa xilliga jirkaadu uu koro ama kobco. Shahwada caadimaadka qabta iyo ugxantuba waa ay koraan, jirka oo dhanna waa uu sii caafimaadaa.

Waxaa cilmi ahaan la xaqiijiyey in 11pm ilaa 8am ay tahay xilliga ugu fiican ee la hurdo.

Xigmad shiineeskii hore ayaa aheyd “11pm waa bilowga waji cusub iyo maskax iyo muuqaal dhalinyaro ah.

Dhibaato wayn kuuma laha inaad hurudo ka dib 11pm laakin waxaa ogaataa haddii aad daai’mto in aad soo jeeddo 11pm ka dib jirkaadu maheli doono faaidooyinka laga helo caafimaadka hurdada.

SAMEE JIMICSI MUDDO 30 DAQIIQO AH, 3 JEER USBUUCII

Jimicsigu wuxuu jirkaada u horseedi karaa inuu helo xaalad wanaagsan oo aad ku qaadi karto uur, kaliya ,maaha in uu hagaajiyo wareegga dhiiggaada ee waxuu abuurayaa awood jirkaadu ku qaadan karo hawo (Oxygen).

DHEELLITIR KU SAMEE DUFANKA (FAT) JIRKAADA

Tani waxaa aad ugu tiirsan caafimaadka shahwada, dheellitirka hormoonada jirkaada iyo wareegga dhiiggaada, sidaa darteed waa in aad xaddiddaa dufanka ribban ee tooska looga helo baruurta xoolaha. Ka fogow cuntada aadka loo shiilo iyo dhamaan dufanta nuucyadeeda kale.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment