7 Arrimood Oo Halis Weyn Oo Caafimaad Darro Ku Ah Haweenka Dalkeenna!

Bulsha:-  Ilaalinta caafimaadku waa arrin waajib ku ah qof kasta noloshiisa ha ahaato ama tan uu masuulka ka yahaye. Ilaahay SWT mar walba waxa aynu waydiisanaa Caafimaad iyo nolol wanaagsan waxaana muhiim ah in Caafimaadka Alle SWT ku siiyay aad ilaaliso oo aad ku dadaasho ka fogaanshaha wixii dhibaato Caafimaad darro kugu keenaya. 

Waxa jira Cudurro aad gacantaada ku doonato iyada oo qadarka Alle SWT mar kasta jiro oo aynu Rumaysanahay. Qormadan kooban waxa aynu soo qaadan doonaa 7 qodob oo Halis weyn ku ah Caafimaadka Haweenka, kuwaasi oo loo baahan yahay in Haweenaydu si weyn Isaga Dhawrto si ay u Ilaashato Caafimaadka Rabbi SWT ku Galladay. Toddobadan Arrimood waxa ay kala yihiin:

1. Qaadista Walxaha Culculus: Guud ahaan dadka waxa laga waaninayaa oo Culimada Caafimaadku mar walba u sheegaan Halista ay leedahay Walxo Culus oo aad qaaddaa in ay saamayn Caafimaad darro kugu keeni karto, Haweenka si gaar ah waxa looga digaa in ay qaadaan Wax culus. Waxyaabaha u dhuuman kara ee aanay haweenku moodin in ay yihiin wax culus hadana halis Caafimaad darro ku keeni kara waxa ka mid ah, Qaadista Walxaha Biyaha Lagu Shubto sida Jirikaamada, Baaldiyada Culus iwm, Shandahada Dharka ee Culculus, Khudaarta, Gadbadaha Dhuxusha. Dhammaan Walxahani waa kuwo si maalinle ah noloshooda ugu xidhan. Dhibaatooyin Caafimaad oo dhinaca macdanta ah, Caloosha, Curuuqda iyo xubno kale ayaa ka dhasha in Haweenku qaadaan walxo culus, aadna waa looga digayaa.

2. Labbiska Kabo Cidhib Dheer: Khubarada Caafimaadku waxa ay in badan ku soo celceliyaan Halista ku jirta Xidhashada Kabaha Cidhibta Dhaadheer leh kuwaasi oo la ogaaday in ay Xidhashadooda ka dhashaan dhibaatooyin Caafimaad darro. Casrigan aynu ku nool nahay Xidhashada Kabo Cidhib dheer lihi waxa ay noqotay hab dhaqan haween badan lagu ibtileeyey waxaana ka dhashay haliso caafimaad oo dhaxalkoodu xun yahay. Daraasado caafimaad oo kabaha cidhibta dheer lagu sameeyey waxa lagu ogaaday in ay si weyn wax u yeelaan Caafimaadka Jilbaha, Lawga, Laf-dhabarta iyo Guud ahaan Xangullada oo ah Marinada Laf-dhabarta dhexdiisa mara ee aadka u muhiimka ah. Xataa waxa la ogaaday in Kabaha dhaadheeri Halis galiyaan neerfaha haweenayda. Aakhirkana waxa ay kabaha cidhibka dheer xidhashadoodu keentaa Lafaha oo haweenayda jilca kadibna ay u fadhiisato Lafo xanuun joogto ah oo aan daawo wanaagsan lahayn.
3. Qiijinta Buuriga: Wakhtigan aynu Joogno Dunida waxa si weyn fara baas ugu haya isticmaalka Buuriga. Haddii haweenka reer Galbeedku ku ibtilaysnaan jireen Qiijinta Sigaarka, maanta dunida Islaamka oo aynu ka mid nahay waxa dhibaato weyn ku haya Caado xun oo ah qiijinta Shiishadda iyo guud ahaan sigaarka. Dalkeena, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn waxa fara baas haweenkeena ku haya Cabidda Shiishadda (Badeecadda) oo ah Aalad Buuriga lagu shito oo inagaga timid dalalka Carabta iyo Itoobiya. Haween badan ayaa ilbaxnimo u haysta waxaase laga dhaxlaa Qiijinta Buuriga cuduro aan daawo lahayn, Mustaqbal xumo iyo Caafimaadkii noloshaada oo aad ku ciyaartay. Fuul-xumo Jidheed, Muuqaal bah dilan, Qoys burbur,dhaqaale baaba’, dhammaan waa dhaxalka Qiijinta Buuriga ee haweenow ka waantooba.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment