Si Aad Isku Fahamtaan Soddohdaa Oo Ay Kuu Jeclaato 10-kan Qodob Ku Dadaal

Bulsha:-Ha umalaynin marka aad hesho ninkii aad raadinaysay noloshaada oo aad go’aansatay in aad guursato in uu noqon karo mid ay soo barbaariyeen waalid wanaagsan. Waxana dhacda in haween badan oo guursaday rag ay iska heleen ay dhib kala kulmeen ninka waalidkiisa.

Mar hadii aad guusatay, yeelatayna lamaane ayaa waxa haboon in aad adkaysato, aqbashidna in sodohdaa iyo sodogaa is badeli doonin, oo isku day in aad ilowda waxii qalad ah ee idin dhex maray, bilow waqti cusub, oo naftaadana bar hadii ayna jeclayn ninkaaga waalidkiis in ay ugu yaraan aqbasho. Marka aad sidaa samaysana waxa ugu jirta faaiido adiga iyo inta kaleba.

-Kusoo dhawee qoyska seeygaaga soo dhaweyn tan ugu diiran, isku day munaasabadaha qaar marki aad kala qeyb galeyso in aad wax u hadiyeeyso.
-Yeelo naxariis: Hadii guurkiinu uu fikir badan ku hayo ninkaaga waalidkiisa, oo aad dhawaan is guursateen, oo ay tabayaan wiilkoodii, ama aad u guurteen magaalo ka fog ayaga, oo ay adiga eeda ku saarayaan ayaa waxa haboon in aad tusto dabacsanaan halkii aad difaac ka gali lahayd.

-Ilow waxii hore u dhacay: Isku day in aad ilowda waxii dhacay. Inkasta oo aad mudan tahay in ay sodohdaa kaa raali galiso qaladaadkii badnaa ee ay kaa gashay sida mar ay ku tidhi gurigu nadiif ma’aha, cuntadaadu ma macaana, ma asturnid iyo hadalo kale oo badan. Sababta aad ku cafinaysaana ay tahay in aad adiguba adiguba marar badan xamatay sodohdaa oo ay ayaduba raali galin kaa mudan tahay. Markaa isk ilow in aad ka sugto raali galin. Ula dhaqan sidii aad hooyada ula dhaqmi laheyd xumaan waliba oo idin dhexmarto ha ugu sheekeyn ninkaaga..

-Hadii aad aragto seeygaaga oo ka gaabiyay xaquuqda ay hooyadii ku laheyd ku dhiira gali in uu u baari noqdo..
-Ha ka dhex galin ama haka hadlin waxyaabo uu ninkaaga ugu tala galay hooyadii in aad kusii dhiiri galiso mooyane mar waliba in uu ku dadaalo in uu hooyo xiriiriyo wax wanagsana oo farxad galiyo uu u sameeyo.
-Xaga wanaagsan wax ka eeg: Hadii aad dib u fiiriso waxa aad arkaysaa ugu yaraan arimo wanaagsan oo ninkaaga waalidkii sameeyeen. Sida ayaga oo soo koriyay ninkan wanaagsan ee aad hada haysato ee aad guursatay.
-Gabadha caqliga badan waa gabadha ninkeeda ku kasbato dhaqanka wanaagsan ay kula dhaqanto qooyskiisa gaar ahaan hooyadiis..

-Ninkaagu ha kuu hadlo: Marka aad si xooga isugu kacsan tihiin sodohdaa, u sheeg ninkaaga hadalkii aad ku oran lahayd sodohdaa, si uu asagu si degan ugu caqli celiyo. Adiga oo rajaynaya in uu hadalkaaga si toos ah ugu gudbinayo, tusaale adiga oo raali ka ahayn marka aad aragto sodohdaa oo caruurta u edbinaysa si aanad ku qanacsanayn.

-Ilmahaaga ku tarbiyee oo bar inay ixtiraaman ayeeyadood una baari noqdaan kuna abuur qalbigooda kalgacalka sodohdaada.

-U tanasul seeygaaga hooyadii hadeey ay dhacdo in ay iska horyimaadan rabitaankaada iyo sida kaa duwan ay iyada wax u rabto waana hubaal hadii ay dareento ixtiraamka iyo weyneynta aad weyneyneyso iyana ay kuu tanasuli doonto kuuna ixtiraameyso gabadheeda curada oo kale.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment