Bulsha:- Maalmahaan, dadku waxay si ka fudud si kasta oo hore uga hadlaan galmada waxaana muhiim ah in wax kasta oo caafimaadka Bulshadu ku xidhan tahay si anshax leh looga hadlo. Si kasta ha ahaatee, dadku mararka qaarkood way ka weji dadbaan iney ka hadlaan galmada iyo uurka waxaana laga yaabaa iney dhibaato ka qabsato inay su’aalo ku saabsan galmada ula yimaadaan dhakhtarkooda ama kalkaalisadooda caafimaad. Sidoo kale, haweenka iyo ragguba inta badan cabsidooda iyo dareemmadooda iyagaa isku qarsada mana jecla in ay ka hadlaan oo si cad u soo bandhigaan gaar ahaan shacabka Soomaalida. Haddii kani uu yahay ilmahaagii ugu horreeyey, waxaa laga yaabaa inaanad ogaannin in uurku uu yahay waqti dareenkaagu baddalmo uu adiga iyo aabbaha ilmaha isu kiin beddelo. Waxaa laga yaabaa inaad dareento daal, niyad kacsanaan, farxad, diiqad, rajo, cabsi, hooyonnimo iyo qurux, lur iyo soo jiidasho la’aan. Aabbuhu, dhinaca kale, waxaa laga yaabaa inuu dareemo inuu ku faano inuu ilmo aabbo u noqdo ama uu ka wel welo mas’uuliyado cusub. Waxaa laga yaabaa inuu dareemo inuu adiga iyo ilmaha kobcaya difaac idiin noqdo ama uu ka masayro culeys saariddaada uurka cusub. Isbeddelladan dabiiciga waxaa laga yaabaa inay saameeyaan sida uu midkiinba midka kale ka dareemayo iyo rabitaanka galmada. Shayga ugu muhiimsan ma aha waxa aad dareemeysiin iyo sida aad ugu maleyneysaan inuu xun yahay, ee waa isla wadaagidda dareemmadaas. Sidan, ayaad ku sameyn kartaan isbeddello si aad xidhiidhkiinna galmo uga yeeshaan mid labadiinnaba idiin wanaagsan. Waxaa soo socda qaar ka mid ah jawaabaha su’aalaha ku saabsan galmada ee inta badan dhiba lammaaneyaasha ilmaha filanaya. Inkastoo, laga yaabo inaad u maleyso in su’aashaadu ay tahay mid nooc ah, dadka kale waxay dhab ahaantii qabaan walaac kaas la mid ah.
Su’aalaha Dhiba Haweenka Uurka Leh:
Miyey rabitaannadayda galmadu noqonayaan kuwo yar waqtiga uurka?
Ma jiraan laba haween ah oo dareema si isku mid ah waqtiga uurka. Haweenka badankoodu, uureysigu ma beddelo xiiseyntooda galmada. Haweenka qaarkoodna, xakamaynta dhalmadu waxay u ahayd carqalad, isla markaana waxaa laga yaabaa inuu uureysigu u yahay waqti xorriyad. Waqtiyo dhowr ah, haweenka qaarkood ayaa laga yaabaa inay dareemaan inay “luminayaan qaabkooda iyo sida ay u eg yihiin” waqtiga uurka. Qaar ayaa laga yaabaa inay ka fogaadaan galmada, iyagoo dareemaya rabitaanka oo aad u yar. Kuwo kale ayaa laga yaabaa inay doonayaan galmada iney lammaanahooda uga helaan dib u xaqiijinta inuu weli jecel yahay waxayna u arkaan mid soo jiidasho leh. Haddii aanad xiiso u haynin galmada, kala hadal lammaanahaaga. Waxaa laga yaabaa inay lammaanahaaga ku adag tahay inuu fahmo haddii aanad kala hadlin.
Miyey Galmadu Wax U Dhimi Kartaa Ilmaha?
Suuragal ma aha in ilmaha ku jira ilmo galeenka wax loogu dhimo galmo sameynta. Biyaha uu ilmuhu ku dhex sabbeynayo, xuubka biyaha celinaya, caloosha, derbiga uur ku jirta, iyo lafaha sinta ayaa ka shaqeeya iney ilmaha ka dhowraan in la dhaawaco.
Haddii galmo sameyntu ay lur ama xanuun leedahay, kala hadal dhakhtarkaaga. Galmadu waqtiga uurka ma aha mid xanuun leh haddii aanu xanuun kale jirin.
Ma Waxyeello Ayey Leedahay In La Isku Biyo Baxo (Shahwad La Isku Daayo) Waqtiga Uurka?
Dadka qaar ayaa ka cabsi qaba arrintan iyagoo aaminsan in ay caruurta wax u dhimayso haddii sidan la sameeyo laakiin biyaha ninku waxyeello uma laha ilmaha sida cilmi ahaan loo xaqiijiyey muddo horeba.
Intee Ugu Badan Ayey Galmadu Ammaan Tahay (Aanay Dhibaato Keeni Karin) Wakhtiga Uurka?
Inta ugu badan ee aad galmo sameyso adiga ama ilmahaaga idin saameyn meyso, illaa inaad qabto dhibaatooyin halistoodu sarreyso mooyaane laguuna sheegay inaanad galmo sameynin. Lammaaneyaashu waxay isu tagaan marar kala duwan waxayna xataa ku kala duwan yihiin bil illaa bisha kale. Haweenka qaarkood ma xiiseeyaan galmo muddada saddexda bilood ee ugu horreysa uurka. Tan waxaa laga yaabaa inay ugu wacan tahay daalka iyo isbeddellada ku yimid hormoonnada jidhkeeda. Dareemmadani waxay badanaa isbeddelaan saddexda bilood ee ugu horreysa markaasoo rabitaanka galmada iyo tamar korodhtay laga yaabo iney yimaadaan.
Galmo Ma Sameyn Karaa Waqti Kasta Oo Uurka Ka Mid Ah?
Galmada badanaa waa la oggol yahay inta uu uurku jiro oo dhan illaa iyo dhowrka toddobaad ee ugu dambeeya. Dhakhaatiirta qaarkood waxay dareensan yihiin in waqtiga dhowrka toddobaad ee ugu dambeeya, galmadu laga yaabo iney keento xuub dillaac waqtigiisa ka soo hormara sidaa darteed lammaanayaasha waxa lagu waaniyaa in aanay galmo samayn dhawrka wiig ee ugu dambeeye sidka hooyada. Dhakhaatiir badan ayaa dareen xooggan ka qaba jawaabta su’aashan. Waxaa kuugu wanaagsan inaad raacdid talada dhakhtarkaaga inkasta oo ay aad u adag tahay in hooyadu su’aal noocan ah dhakhtarkeeda ula tagto.
Talooyin ku aaddan Mawduucan:
Galmada waa in la joojiyaa waana inaad dhakhtarkaaga si degdeg ah ula xidhiidhaa haddii:
# Biyahaagu ay soo burqadaan ama galka biyuhu uu dillaaco.
# Uu dhiig hoostaada ka yimaaddo.
# Aad xanuun xagga hoose ka dareento.
# Uu ilmo galeenku isku soo giigsamayo, isu soo ururayo ama fool waqtigeedii ka horreysa ku qabato
Su’aal Kale: Haddii Aan Lahaa Taariikh Dhicis, Weli Galmo Ma Sii Sameyn Karaa?
Haddii aad lahayd uur dhicisoobay, waa inaanad galmo sameynin saddexda bilood ee ugu horreysa ee uurkaaga. Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegi doona inaanad raacin baabuur kac-kacaya ama inaanad ka qayb qaadan hawlo jidh ahaaneed oo waaweyn ama xarumaha laga helo jidh dhiska oo aanad tagin. Xannibaadahan waxay mandheerta ka caawinayaan inay si ku filan ugu kobocdo si markaas uureysi guul lihi uu u dhaco.
Cadaadiska Waqtiga Galmadu Wuu I Dhibaa Laakiin Xanuun Iguma Hayo?
Haddii miisaanka lammaanahaagu uu ku dhibayo, in booska la beddelo ayaa caawin karta arrintaasi.
Aad Ayey U Adag Tahay Inaan Lammaanahayga Kala Hadlo Sida Aan Dareensanahay.
Marmar, ragga qaarkood jidh ahaan “Hoos Ayay u Dhacaan” waqtiga uurka lammaanahooda. Badanaa dareenku waa iska kumeel-gaadh, waana inaan loo arag diidmo. Lammaanahaagu waxaa laga yaabaa inuu qabo walaacyo kale oo xoogaa ah iyo dareemmo isku dhafan oo ku saabsan uurka, kuwaasoo laga yaabo inay ka dhigaan inuu u dhaqmo si aan kala jelcaan lahayn inyarna kuu nuglaado. Waxaa sidoo kale laga yaabaa inaad ku lug yeelato nolosha gudahaaga ku jirta taasoo laga yaabo inuu dareemo inaanad isaga dan u lahayn. Waxa muhiim ah in aad ka wada hadashaan dareemmadaan.
Su’aalaha Dhibaatada U Keena Aabbayaasha Ilmaha Filaya:
Waxaan U Baahanahay Inaan Galmo Sameeyo, Laakiin Ilaa Iyo Markii Ay Uurka Qaadday Lammaanahaygu Ma Daneyneyso Galmo, Tani Waxay Dhexdayada Ka Abuurtaa Xurguf. Maxaan Sameyn Karaa?
Waxoogaa qaab isu samir ah ayaa ah xalka ugu wanaagsan. Ka wada hadla dhibaatooyinka iyo dareemmada. Galmo sameynta inyar ama helidda wax la isaga jabiyo oo u baahan ka qayb qaadasho yar oo dhinaceeda ah ayaa laga yaabaa inay xal noqoto. Mararka qaarkood haweenka way ku adag tahay iney dareemaan galmo markaasoo aanay dareensanayn inuu ku habboon yahay. U sheeg inay weli tahay mid soo jiidasho leh aadna jeceshahay iyadoo uur leh. Tan waxaa laga yaabaa inay qurux iyo xiiso ay ku dareento.
Markaan Dareemo Ilmaha Oo Dhaqaaqaya Annagoo Galmo Sameyneyna, Waxay Dhammeysaa Xiisaha Aan U Hayo Galmada. Maxaa Xal Ah?
Waxaa laga yaabaa inaad ka wel welsan tahay in laga yaabo in ilmaha aad waxyeeshaan. Ilmuhu si wanaagsan ayuu u dhowran yahay isla markaana haraatida iyo is rogiddu shaqo kuma laha hawshaada galmada, iskumana xidhna. Haraatida ilmuhu waxaa laga yaabaa iney ku xusuusiso doorka lammaanahaaga ee sidii hooyo oo kale. Waxaa laga yaabaa inaad u dareento sidii qof saddexaad oo la socda galmadiinna. Waxaa laga yaabaa iney idin caawiso inaad isku daydaan boos kale si markaas aanad u dareemin dhaqaaqa ilmaha.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment