10 ARRIMOOD OO KU GAADHSIIYA IN AAD HOY KU YEELATO QALBIGA DADKA AAD LA NOOSHAHAY KUNA JECLAADAAN

Bulsha:-  Shakhsiyadda iyo dabciga qofku waxa ay ku xidhantahay hadba dabeecadaha iyo astaamaha uu ku sifoobo, kagana soocmo dadka uu goob kula noolyahay. Dadaalka, furfurnaanta iyo guud ahaan bulshadaaada oo aad dareen-wadaag la noqotaa waxa ay ku gayaysiisaa jacayl iyo tix-gelin aad bulshadaada ku dhex yeelato. Sifooyinka wanaagsan ee ilaahay adoomihisa ku galladay waxa ay noqon karaan kuwo aad kasaban karto iyo kuwo ilaahay SWT adoomihiisa hadba cida uu u doorto uu ugu deeqo. Waa hubaal in aanad iska yeel yeeli Karin mid la jecelyahay adiga oo aan ku sifoobin tilmaamaha ku gaadhsiiya in aad dadka dhexdiisa ku noqoto mid laga jecelyahay, soo jidasho leh, lagu daydo lagana tilmaan qaato.

“Hebel ama heblaayo waa qof wanaagsan oo soo jiidasho leh oo aan laga ag tagin” sidan ha laguugu soo hirto. Sifooyinka wanaagsan ee darajo sare ku gaadhsiiya waxa aad manhaj uga dhigan kartaa adiga oo ilaahay la kaashanaya talaabooyinkan soo socda. Ilaahay ka ina waafajiyo wanaaga iyo in aan ku tilmaanaano kuwo la jecelyahay oo ku guulaysta qalbiyada dadka. Aan hore ugu socono 24 tilmaamood oo aan ku gaadhi karro qalbiyada dadka:

1. Waligaa waxaad ku dadaashaa in aad dhoolla-cadayso. Rasuulkeena suubbani NNKHA waxa uu yidhi: “dhoola cadaynta aad ku qaabisho walaalkaa waa sadaqo”.

2. Kelmadda wanaagsan iyo hadalka runta ahi waxa ay ku gaadhsiiyaan raalli ahaanshaha bulshada kugu hareeraysan.

3. Fikir inta aanad hadal, dooro kelmadaha munaasabka ah, hadii aanad hayn wax aad sheegto aamusnaw oo hadalka badan ee aan macnaha lahayn ka dheeraw. Rasuulkeena suubbani waxa uu yidhi: “qofka ilaahay iyo maalinta aakhiro rumeeyow, ku hadal wax wanaagsan ama iska aamus”

4. Si deg deg ah ha u hadlin, ku dadaal in hadalkaagu waadix ahaado, ku dadaal in aad qofka hadalkaaga si degan uga dhaadhiciso.

5. Waligaa ka fogow muranka iyo dooda madhalayska ah. Dad badani waxa ay ku doodaan wax aan dantoodu ku jirin, sidaa darteed muranka iyo dooda badani waxa ay hoos u dhigaan meeqaamka qofka.

6. Dadka ula dhaqan sida aad jeclaan lahayd in laguula dhaqmo. Waxaad dareentaa qofka aad la kulmaysaa in uu muhiim yahay.

7. Dadka u cudur-daaro, calaacalka ka dheeraw, canaantana dadka ka ilaali oo ha noqon mid canaan badan.
8. Baro sida dadka loo dhagaysto adoo aamusan. Muhiimad sii qof kasta oo kula hadlaya oo hadalkiisa u dhug yeelo adoo aan ka jeedjeedsan. U muuji in aad dareen wadaag u tahay.

9. Cadhada ka dheeraw waligaa. Ha noqon qof cadho badan. Rasuulku NNKHA waxa uu bulshada islaamka ah kula dardaarmay in aanay cadhoon.

10. Hadyaddu waxa ay dadka ka dex abuurtaa dareen jacayl oo aan abid baabi’in. waa sunne laga dhaxlay rasuulkeenii Mudnaa NNKHA isaga oo xadiis saxiix ah ku yidhi: “isku hadyeeya waydin is jeclaane”







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment