Bulsha:- Nin ayaa maray qalliin ka dibna wuxuu isku bedelay naag. Si kastaba ha ahaatee, weerar ayaa lagu soo qaaday dhowaan. Waxayna u dhimatay dhaawicii kasoo gaaray weerarkaas.
Weerarkaan lagu qaaday Zizi Shekeladze, ayaa wuxuu sababay inay cunaheeda ku weyso sababtoo ah qaniinyo ayaa la goostay. Wixii intaas ka dambeeyey isbitaal ayaa la dhigay si nolosheeda loo badbaadiyo.
Ninkaan naagta isku bedelay ayaa wuxuu taagtaa bosteejo ku taalla caasimadda dalka Georgia ee Tbilisi markii weerarkaan lagu soo qaadayey, sida ay ku warameyso shabakadda GayStarTimes.
Muddo bil ka dib ayey qurbaxday ka dib markii nolosheeda la badbaadin waayey, qareen ka tirsan ururka Women Initiative Support Group ayaana sidaasi u sheegay saxaafadda.
Georgian Orthodox believers and anti-gay activist demonstrate in the capital Tbilisi, on May 17, 2013, to protest gay rights activists' plans to stage a rally marking the International Day against Homophobia. Homosexuality is still highly stigmatised in Georgia, a deeply socially conservative ex-Soviet state in the Caucasus where the Orthodox Church retains immense clout.
Weerarkaan ayaa waxaa looga shakisan yahay inuu qaaday nin lagu magacaabo Giorgi Murjikneli kaasoo dhowr jeer isku deyey inuu qudha ka jaro ninkaan naagta isku bedelay. Shacabka Georgia ayaana si weyn uga soo horjeestay aragtida jinsi bedelka.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment