Isticmaalka Khudaarta maxaa laga faa’iidaa?

Bulsha:-  khudaarta Ansalaatada ayaa qeyb ka ah qudrada uu caanka ku yahay dalkeena, sidoo kale maalin waliba ayaad ka heli kartaa seyladaha iyo suuqyada Khudrada lagu iibiyo.

Kaliya waxay u baahan tahay in ay hesho qorax ama Cad Ceed ku filan iyo biyo wanaagsan oo aan dilay si ay u noqoto mid caafimaad leh, taas ayaa kaa caawinaysa in aad hesho caafimaadka Ansalaatada.

Shabakada Arimaha bulshada ee Goobjooga ayaa idin soo gudbinaysa Saddex Wax yaabood oo ay ku wanaagsan tahay Ansalaatada oo kamid ah khudrada soomaalidu beerato.

1) Indhaha:- khudrada badan kooda ayaa ah caafimaad mar waliba u wanagsan dadka caadiga ah, balse Ansalaatada waxay si qaas ah ugu wanaagsan tahay Araga iyo soo celintiisa, maadaama ay ku jiraan maadooyin u wanaagsan Indhaha.

Karootada kaliya ayaa kaga wannagsan Araga marka loo eego isticmaalkiisa, sidaa darteeda waxaad u baahan tahay in aad hesho Ansalaato hadii aad weyso Karootada, taas oo la aaminsan yahay in ay kamid tahay kuwa ugu wanaagsan dhanka Vitiminaadka.

2) Yareenta Neefta Hoose :- Neefta hoose waa nuuc kamid ah caafimaadka hadana qudaarta qaar ayaa sara u qaada Neefsiga hoose taas oo xitaa mararka qaar urteeda siyaadisa.
Marka loo eego Bagalka oo ah khudaar ka ag dhaw marka loo eego isticmaalka ayaa leh laguna tuhmaa in ay siyaadiso Neefta hoose ee kasoo baxda gadaal, sidaa darteeda cunida Ansalaatada ayaa ka saacidi karta hadii aad tahay qof ku dhiban in uu iska yareeyo Neefta hoose.

3) Dhiig Soo Celinta:- Mar waliba oo ay hooyadu dhasho ama qofku dhiig baxo dadka soomaalida ayaa kula taliya in ay istcimaalaan qudrad ay kamid tahay Ansalataada taas oo muhiimad gooni ah u leh dhiig soo celinta.

Waxaa laga helaa Vitimins aad u badan kuwaas soo celiya dhiiga sidoo kale waxay leedahay mararka qaar in la siiyo naagaha Uurka leh oo u baahan Vitimins badan , sidaa darteeda Ansalaatadu waxay u baahan tahay la bad sado si lee helo faa’iidooyinkii aan kor kusoo xusnay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment