Mucaashaqiin Soomaaiyeed Oo Mudo 4 Sano Ah Jaceyl Isla Soo Jilaye Oo Daqiiqado Gudahood Meherkii Si Naxdin leh Ku Gala Tagay (Qiso Dhab Ah)

Bulsha:- Lamaanayaal jacayl wadaag ahaa, islamarkaana jacayl soo jilaayay muddo ka badan afar sanadood ayaa maalintii ugu horaysay ee Meherkooda si yaab leh isku calfan waayay oo ku kala tagay xafladii meherka oo ka dhaceysay Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho.

Sida warku uu sheegayo iyadoo ay socoto xafladii meherka, islamarkaasna ay fadhiyaan Sheekhii gabadha mehrinayay iyo labada ehel ee wiilka iyo gabadha ayaa waxaa gabadhii oo lagu magacaabo Mushtaaq Maxamad waxaa soo wacay walaalkeed oo ku maqnaa dalka Mareykanka, kaas oo u sheegay in sedex maalin ka dib ay timaado dalka Kenya.

Islamarkaasna uu u soo dhameeyay leyn dibadeed oo dhoof ah, waxayna gabadhii dalbatay inay ka baxday balantii guurka, isla markaasna arrinka mar kale laga dhigo, taas oo la yaab ku noqotay dadkii Xafladaas.11/17/12 Lamaanayaal Soomaaliyeed 4 Sano Jaceyl Isla Soo Jilayay Oo Daqiiqadihii Meherkooda Si La Yaab Leh…

Gabadhii ayaa intii aysan dalban in meherka dib loo dhigo waxaa walaalkeed u sheegay in uusan wadi doonin haddiiay nin guursato.

“Haddii aad nin guursato waan kaa kansalaa dhoofitaanka gabadha kaa yar ayaana ku bedelayaa ee la soco” taasina waxay keentay in gabadhii qolkii meherka uu ka dhacayay ay orod ku gasho kuna tiraahdo culimadii iyo akhiyaartii kale “aniga meherka waan ka talo baxay ee nabadey” waxaana halkaasi naxdin kula suuxay wiilkii oo garan waayay halka laga asiibay.
Labada qoys ee gabadha iyo wiilka oo arrintaas layaab iyo filanwaa ku noqotay ayaa waxaa la go’aamiyay in qoyska gabadha loo daayo inay arrinka soo baarayaan dibna meherka laga dhigto, waxaase la sheegay in meher dambe aanu dhicin ka dib markii gabadhii u dhooftay dalka Kenya.

Waxaa haatan socota waan waan ah in wiilka lagu mehriyo gabar ka yareyd saaxiibtiisii balanta guurka uga baxday ee dibada ka dooratay, in kastoo uu wiilkii arrinkaasi ka biyo diiday, wuxuuna reerkii gabadha ka dalbaday inay u soo celiyaan lacag gaareysa kun doolar oo uu gabadha siiyey iyo qarashkii uga baxay xafladda Meherka, in kastoo ay reerku diideen bixinta lacagta uu dalbaday.

Akhristoow dhacdadaan cajiibka ahi mid lamid ah horay goob joog ma uga soo aheyd ama mala kulantay…………….?

Jawaabtaadu hadii ay HAA tahay E-mailka hoos kuxusan inoogu soo dir inagoo tix galin doono fariintaada hadii ay macqul noqoto







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment