SMS LOVe : Waxaan Qarinayaa Ilinta Iga Timaada Marka Aan Ku Dhawaaqayo Magaacada Iyo … (Romance Love)

Bulsha:- Kulan wacan ku soo dhawaada qeyb kale oo ah fariimaha jaceylka gaa-gaaban (SMS LOVE) waxaana todobaadkaan ku soo qaadaneyna dhowr SMS oo aad u xiiso badan .

Hadii aan helo dhoola cadeyntaada ma rabo ubaxyo , hadii aan helo codkaada ma rabo Music , hadaan adiga kula hadlo ma rabo in aan dhageysto qof kale haddii aad adiga ila joogtana ma rabo aduunyada dhan.

Waxaan qarinayaa ilinta iga timaada marka aan ku dhawaaqayo magacaada balse xanuunka ku jira qalbikeyga weli waa sidiisi inkasto aan dhoola cadeynayo ogaaw ma jiro qof kugu xiisayo sida aan aniga kugu xiiso qabo .

Waxaan maqlay qof ku dhawaaqay amagaacada balse markaan gadaal soo eegay si aan u arko qofka ku dhawaaqaya waxaana xasusutay in aan kaligey ahay ka dib ayaan dareemay oo aan ogaaday qofka ku dhawaaqaya magacaaga in uu yahay qalbikeyga .
Mar waliba oo aan maqlo shanqarta fariimo qoraaledka Mobile-keyga , mar waliba waxan rajeyaa in SMS-kaas soo dhacaya in aad adiga noqoto , waxaa lagaa yaabaa in baaxada memory-ga taleefankeyga yar yahay balse ogaaw in baaxada qalbikeyga uu adiga aad kugu weyn yahay oo aad ka degi karto meel waliba .







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment