Bulsha:- Iyadoo maalin uun ka harsan tahay maalinta caalamka loo asteeyay in la xuso maalinta jaceylka, ayaa waxaa shineemooyinka saaran maanta oo ku dagaalami doona labada filim ee Fitoor iyo Sanam Re, kuwaasi oo qisadooda ay ku saleysan yihiin jaceyl.
Filimka Fitoor oo garwadaanka ka yihiin Actorka Aditya Roy Kapur iyo Katrina Kaif, halka Sanam Re ay wadaan xiddigaha ulkit Samrat iyo Yami Gautam, waxaana maanta la ogaan doonaa midka maalintiisa koowaad guuleysta.
Inkastoo qiimeyn hordhac ah la sameeyay, filimka Fitoor ayaa ku wada sida cod bixin la qaaday lagu ogaaday.
Sababta filimka Fitoor loogu saadaaliyay inuu ka guuleysan doono maalintiisa koowaad ayaa ugu wacan miisaanka iyo macaga jilayaasha oo mudo kusoo dhex jiray Bollywoodka, halka filimka Sanam Re ay miisaan yar yihiin jilayaasha Fitoor.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment