Bulsha:- Salman Khan, waa mid kamid ah Jilaayaasha loogu jecelyahay Bollywoodka iyo dalka India, Salman oo hada dhaafay da’da 50-aad waa doob aan wali guursan, waxaana la sheegaa inuu yahay shaqsi aad u maseer badan oo dumarka dila.
Salman waxa uu xiriir jaceyl lasoo sameeyay atariishooyin badan oo caan ah sida Aish Warya Rai, Sangita Bijlani,Katrina Kaif, iyo gabadha hada lagu xanto ee u dhalatay dalka Romania Lulia Vantur.
Inkastoo Salman iyo Katrina aysan si rasmi ah waligood u shaacin inuu jiray xiriir jaceyl oo dhexmaray, hadana waxaa la wada ogaay in Katrina ay si aad ah ugu dhaweyd qoyska salmaan xiriir fiicana uu ka dhaxeeyay, laakiin waxaasoo dhan waxay soo idlaadeen sanadkii 2010.
Kadib markii ay kala hareen Katrina, waxaa soo baxay warar sheegaya in Salman uu xiriir la yeeshay gabadha reer Germany ee Modelka ah Claudia Ciesla, kadib waxa uu xiriir la sameeyay Zarine Khan, mana jirin mid uu guursaday dhamaan gabdhahaas.
Gabadhii ugu dambeysay ee Salman lagu xanto waa qalanjada reer Romania Lulia Vantur. inkastoo uusan Salman shaacin xiriirkaan, hadana waxaa la sheegaa inuu dhowr booqday dalka Romania si uu iyada usoo booqdo.
Waxaa la sheegaa in Salman qofta uu sida dhabta ah u jeclaaday noloshiisana ilaa hada saamenyta ku leh ay tahay Aish Warya Rai oo mar noqotay gabadha ugu qurxan dunida. Jaceylkooda ayaa mar ahaa mid si aad ah ay saxaafada Caalamka si aad ah uga hadasho, balse xiriirkooda ayaa bur buray, kadib markii sida la sheegay Familka Aish ay diideen Salman.


_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment