Video Si Live ah: Nin gacantiisa uga dhaliyay Xaaskiisa

Bulsha:- Holly Dawson, waa Haweeneey 24 jir, xili saq dhexe ah oo Habeenimo ayaa waxaa qabatay Fool, waxaana si deg deg ah u caawiyay Saygeeda Martin Boyce oo 35 jir ah, kaasoo sii diyaarsaday Kaamirada si uu u duubo dhacdadaan Taariikhiga ah.

Martin Boyce, ayaa ku guuleeystay inuu si fudud oo dhib la’aan ah Xaaskiisa u dhaliyo, kahor intii aysan soo gaarin Haweeneydi umulisada.

Martin, ayaa diiday inuu sugo haweeneyda Umulisada si ay u dhaliso xaaskiisa, waxaana uu qaatay go’aan ah inuu markaan isaga ka dhaliyo canuga, waxaana uu ka duubay Filim sida uu u dhalinayo.

Martin Boyce, waa sawir qaade kasoo jeeda magaalada Leicester ee dalka Ingiriiska.

Holly iyo Martin oo wadaagaya Farxad, kadib markii uu ku guuleeystay inuu ka dhaliyo
Holly iyo Martin oo wadaagaya Farxad, kadib markii uu ku guuleeystay inuu ka dhaliyo

Canuga u dhashay labadaan lamaane oo Gabar ahayd, ayaa waxaa loo bixiyay Isabelle, waxaana 40 daqiiqo kadib markii ay ifka timid lagu riday Sariirteeda.

“…Saacadu markeey ahayd 3:30 Habeenimadii Axada, ayay Holly ii sheegtay ineey Fool dareemeyso, waan farxay waayo mudo ayaan sugaynay inaan helno Canugeeni ugu horeeyay…” ayuu yiri Martin.

“…Waxaan bilaabay inaan diyaariyo Gaarigi u qaadi Isbitaalka, waxaan la xiriiray Umulisooyinki ka dhalin lahaa..”

“Waxaan Diyaarsaday Kaamirada si dhacdada aan u duubo kahor intaan Isbitaalka u kaxeynin, laakiin intaan kaxeyninba Holly waxay bilaawday ineey si deg deg ah u foolato, canugiina uu soo dhawaado..”

“..Holly waxay fariisatay bartamaha Qolka, Canugiina waxa uu bilaabay inuu madaxa lasoo baxo..”

Halkaan ka daawo Martin oo ka dhalinaya Holly:


“Hooyadeey Polly, ayaa i saacideysay intii aan dhalinayay Xaaskeyga, waxay la xiriireysay qolooyinka Kalkaalisooyinka iyo Isbitaalka, wax walbo waxeey u dhaceen si wanaagsan..” ayuu yiri Martin.

“…Waxay noo sheegeen in Umulisada ay wadada kusoo jirto, laakiin Canugii ayaaba dhashay…”

“..Waxaan fiiriyay Hoos misna canugi ayaaba banaanka yimid, waan soo qabtay kadibna iyada ayaan u dhiibay






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment