Muuqaal: Madaxwaynaha KENYA oo ka hadlay Weerarkii looga diley Ciidamada

Bulsha:- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay weerar aroornimadii jimcaha ururka al-Shabaab ku qaadeen saldhig milateri Ciidamada Kenya ku lahaayeen gobolka Gedo, Wuxuuna ugu horeyn qirtay in khasaare soo gaarey Ciidamada Kenya balse ma uusan sheegin tirada Ciidamada ku dhintey ama ku dhaawacmey weerarka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mr Kenyatta ayaa xusay in askarta Kenya ay sameeyeen iska caabin ay uga hortagayeen in fariisinkooda lagala wareego, Wuxuuna sheegay in aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin weerarkii maanta isla markaana ay sii wadi doonaan howlgalka ay u joogaan Soomaaliya, isagoo sidoo kale ku hanjabay in ay soo qaban doonaan kuwa weerarka geystay oo ay u aargudi doonaan ciidanka dhintey.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment