Bulsha:- Wararka inaga soo gaaraya dalka Burkina Faso ayaa sheegaya in Dabley hubaysan ay xalay weerar xoogan ku qaadeen Hoteel ay ku badan yihiin dadka Reer Galbeedka ah ee dalkaasi ku sugan.
Weerarkaasi Dableyda hubaysan ay ku qaadeen Hotelka ayaa waxaa lagu dilay sida ilaa hadda la xaqiijiyay ugu yaraan 20 qof oo ka mid ahaa dadkii waqtigaas Hotelka ku sugnaa oo isugu jira shaqaale iyo dad dalxiiseyaal ahaa.
Waxaa lagu soo warinayaa in Rag indhaha ay u xiran yihiin ay xoog ku galeen Hoteelka, kadib markii gaari meesha la sii dhigay lagu hor qarxiyey, sida ay soo weriyeen dad goobjoogayaal ah.
Agaasimaha Isbitaal weyn oo ku yaala caasimada dalkaasi Burkina Faso ee Ouagadougou ayaa u sheegay saxaafadda in 20 ruux ay geeriyootay 51 kalana dhaawac uu soo gaaray iyadoo dhaawaca qaarna ay aad halis u yihiin.
Weerarkan lagu qaaday Hoteelka ayaa waxa sheegatay koox ka tirsan AlQaacida oo lagu magacaabo AlQaacidada Maqrib.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment