Ciidamada Somaliland oo qabsaday deegaanka Balli-cad oo ka tirsan gobolka Sool

Bulsha:-  Wararka ka imanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Somaliland ay la wareegeen deegaanka Balli-cad oo u jirta 80km magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Deegaanka Balli-Cad ayaa lagu waday in ay shirka u yeeshaan madaxda maamulka Khaatumo, waxana ka socday deegaanka Balli-Cad qabanqaabada shirka ay yeelan lahaayeen maamulka Khaatumo.

Shirkan ayaa lagu waday in uu ka qeybgalo Madaxweynaha maamulka la magac baxay Khaatumo State Prof Cali Khaliif Galleyr iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in uu Proff Galeyr uu ku sugnaa deegaanka Balli-Cad.

Ciidamada Maamulka Khaatumo ayaa isku dayay in ay difaacdaan deegaanka Balli-cad hase yeeshee dagaal xoog leh oo halkaa ka dhacayay ayaa sababtay in ay isaga baxaan.

Lama oga illaa iyo hadda qasaaraha ka dhashay iska horimaadkan iyadoo wararka qaarna ay tilmaamayaan in uu jiro qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment